Amarki Madaxweyne Trump ee Qaxootiga oo Xalay Si Rasmi Ah U Dhaqan-galay

Dowladda Mareykanka ayaa xalay Sideedii fiidnimo xilliga magaalada Washington, dhaqan-galisay sharci cusub oo dhinaca socdaalka ah kaasoo lagu soo rogay muwaadiniinta ka imaanaya dalalka Iran, Libya, Somalia, Sudan, Syria and Yemen.

Dadka ka imanaya dalalkaasi ayaa dalban kara dal-kugalka Mareykanka hadii uu jiro qof qoyskiisa ah ama hadii uu yahay qof ganacsi ku leh Mareykanka.

Wariyaha VOA-da ee Minnesota Maxamuud Mascadde ayaa faah-faahinta xeerkaan cusub ka wareystay Cabdiwaxid Qalinle oo ah sharciyaqaan dagan Minneapolis.