
Dowladda Turkiga ayaa gargaar dhan 8,500 oo tan waxey u soo dirtay Dalka Soomaaliya, si loogu caabiyo Degaanada ay ku dhufteen abaaraha.
Mas’uul ka tirsan Shaqaalaha Turkiga ayaa waxuu sheegay in gargaarkan la geyn doono Gobolada Sool, Nugaal, Bari, Awdal iyo Banaadir, si buu yiri loogu taakuleeyo Dad tabaaleysan.
Xafiiska howlgalka Turkiga ee Soomaaliya ayaa waxuu sheegay in gargaarkaasi sidoo kale la gaarsiin doono Shacabka ku sugan Degaanada Maamulada Soomaaliland iyo Puntland.
Gargaarkan Turkiga ee la soo gaarsiiyay Soomaaliya ayaa waxuu imaanayaa xili bishii la soo dhaafay Qaramada Midoobay ay ku dhawaaqday in %40 Soomaalida aysan heysan wax ay cunaan.