Masuuliyiin Al-Shabaab ahaa oo ku geeriyootay qarax ay maleegayeen

Xarar-dheere-(Awdalstate)-Malleeyaal iyo Horjoogayaal ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday qarax ka dhacay degaanka Mililiqo oo ka tirsan Degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug.

Dadka ku dhaqan degaanka Mililiqo ayaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u sheegay in ay jug xooggan ka maqleen goob ay nabad-diidku ku diyaarinayeen Gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ay halkaasi ku naf waayeen Malleeyshiyaad ka tirsanaa Argagixisada iyo horjoogayaashooda, iyadoo ay u diideen Dadka Shacabka ah in ay goobtaasi tagaan.

Dadka ku nool Mililiqo ayaa sidoo kale sheegaya in ay Kooxda Al-Shabaab Maalmihii lasoo dhaafay halkaasi ka wadeen abaabul ay ku diyaarinayaan Gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, si ay Ummadda Soomaaliyeed ugu waxyeelleeyaan.