Maxaa ka Jira In Boobkii Macdantii Buuraha Siimoodi Laga Dhisay Wasaarada Macdanta iyo Maamulka Hargeysa iyo Mooganaanta Shacabka Reer Awdal …. Xog Xasaasi ah

Buuraha siimoodi ee ku yaala Degmada Baki ee Gobolka Awdal illaahay waxa uu ku manaystay Macdan qaali oo noocyo badan islamarkaana dhif iyo naadir ay tahay in laga Helo soomaliland inteeda kale macdanta ku jirta buurtaasi ayaa ah mid hadii la soo saaro ay ka faaidi doonaan 20ka milyan ee ku nool dhulka ay soomaalidu degto maadaama macdantaasi aad loogu baahan yahay marka ay dunida aynu ku nool nahay timaado gaar ahaan wadamada Waawayn

Hadaba waxa jirtay mudooyin badan in deegaankaasi uu ka jiray khilaaf la xidhiidha Qodista macdanta buurahaasi ku jira kuwaasi oo ay xukuumada Hargeysa arintaasi dabada ka riixaysay waxaana jirtay in xukuumada Hargeysa  Gaar ahaan wasaarada Macdanta iyo Tamartu ay Heshiis la gashay Shirkad Shiineys ah oo la doonayay in Buurahaasi Macdan laga Qodo , Hase ahaatee shirkadaasi shiineyska ah oo ogolaanshiyo ka haystana Xukuumada Hargeysa waxay Baaritaan iyo Qodidba ku sameeyeen buuraha siimoodi waxaanay arintaasi ugu yeereen baaritaan ama ogaanshiyo ah in buurtaasi macdan leedahay iyo inkale laakiin cidina daah ka ma saarnayn in illaahay buurtaasi ku manaystay macdan qaali ah shirkadii intii ay  ku sugnayd macdan badan aya dibada u dhoofisay iyada oo la soo baadhayay macdantii buuraha siimoodi ee dibada la geeyay qaarkood sida wararka nagu soo gaadheen waa la iibiyay oo waa la suuq geeyay iyada oo lacag aan qiyaas lahayn lakala siistay xukuumada kulmiyana ay dilaal arintaasi ka ahayd shacabkii ku dhaqnaa agagaarka buuraha siimoodi ayaa bilaabay godood iyo oo ka soo horjeestay qoditaanka lagu samaynayo macdanta buuraha siimoodi khilaaf ayaa ka dhashay arintaa ilaa ay ka hadashay xukuumada federaalka soomaliya oo shirkadaasi shiineyska ku amartay inay joojiyaan qodistaa macdanta qaaliga ee gobolka awdal ku jira hase ahaatee waxa xusid mudan in macdan farabadan laga Guray buuraha siimoodi taasi oo la iib geeyay lagana manaafacaystay

Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Hargeysa waxa ay ka dhistay magaalada Hargeysa Dhisme aad u Qurux badan islamarkaana waxa ay ka dhismayaal qurux badan tahay dhawr wasaaradood oo ka saami badan wasaaradaasi macdanta iyo tamarta Hargeysa gudaha marka aad u gasho wasaaradaasi indhahaagu waxa ay qabanayaan sida wasaarada loo qalabeeyay iyo qaabka ay u dhisan tahay oo aad la yaabayso sababtoo ah lacagta lagu dhisay wasaaradaasi ayaa ah mid gabi ahaanba ka badan malaayiin doolar waayo xarunta marka aad eegto durba waxa aad dareemaysaa sida wasaaradaasi dhismeheeda loogu nuux-nuuxsaday iyada oo ka kooban dhawr dhismo oo qaab farshaxan ah loo dhisay waxaana aad ula yaab badan halka laga keenay kharashka wasaaradaasi maaadaama aanay lahayn bajad sidaa usii buuran walaw warar ila xogogaal ahi ay sheegayaan in lacagtii macdanta buuraha siimoodi lagu dhisay maadaama wasaaradaasi ay ruqsada siisay shirkadii shiineyska ahayd ee baadhasay buuraha siimoodi ee gobolka awdal

SAWIRADA DHISMAYAASHA QURXOON EE WASAARADA MACDANTA IYO TAMARTA SOMALILAND

WAsax

Shacabka ku dhaqan gobolka Awdal ayaan  waxba kala socon boobka loo geystay dhulkooda iyada oo lacagtii ka soo baxdayna aan la ogayn meel ay jaan iyo cidhib salka dhigatay shacabkii ku dhaqnaa degmada baki ee balanqaadka loo sameeyay iyagana aan la ogayn in wax ka gaadheen macdantii qaaliga ahayd ee deegaankooda laga qoday iyo lacagtii lagu kala siistay macdantaasi iyada oo wadamada Qaarkoodna loo iibgeeyay waxaana aad u macquul ah in shacabka gobolka awdal ay moogan yihiin boobka dhulkooda  iyo balamada beenta ah markasta loogu sheekaynayo

DAAWO SAWIRADA BUURAHA SIIMOODI IYADA OO LA QODAYO IYO QALABKII SHIINEYSKU LAHAA OO YAALA 

timthumb

siimoodi-6siimoodi-1

 

Waxaana laga warsugayaa xukuumada Hargeysa halka ay ku danbaysay baadhitaankii macdanta buuraha siimoodi halka ay ku danbeeyeen iyo bal inay xadhiga ka jaraan dhismaha wasaarada macdanta iyo Tamarta Hargeysa iyo cida maalgalisay in wasaarada loo dhiso qaab casri ah kana duwan wasaaradaha kale ee ku yaala Hargeysa.

 

CAMUUDMEDIA DESKA