(12/08/2016) Koox bastoolado ku Hubeeysan oo Muqdisho ku dilay Gudoomiye.

Kooxo ku hubeeysan bastoolado islamarkaasina ilaa iyo iminka aan heebtooda lagaran ayaa Gudoomiye waaxeed katirsan Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir waxaa ay ku Dileen Gudaha Degmadaasi.

Gudoomiye waaxeedkaasi Ayaa Waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Ilyaas C/llaahi Sheekh oo ahaa Guddoomiyihii Waaxda Afraad ee Degmada Shibis.

Kooxda dilka Geeystay ayaa isga baxsaday halkii Ay ku dileen Gudoomiyaha waxaana Durba Goobta soo gaaray ciidamo aad u farabadan oo katirsan kuwa dowlada Somalia.

Dilalka qorsheeysan oo noocaan oo kale ah ayaa ku soo badbatay magaalada Muqdisho waxaana dilalka ceenkaan oo kale ah geeysta kooxda Al-Shabaab ee ka soo horjeeda ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM