Maxaa ka mid ahaa heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya (Itoobiya oo maalgashaneysa Afar Dekadood)

Kaddib safar qaatay saacado oo uu maanta ku yimid magaalada Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxaa kulan albaabada u xirnaa ay wada qaateen Madaxweyne Farmaajo, waxaana ay ku heshiiyeen qodobo dhowr ah.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir u qabteen ayaa waxay ku sheegeen in labada dal uu dhex marayo iskaashi dhinacyo badan, oo qeyb ka ah ganacsiga, dhaqaalaha, is dhex galka bulshada labada dal iyo sameynta suuq ganacsi oo xor ah.

War murtiyeedka ka soo baxay waxaa lagu sheegay in la xoojiyo xiriirka labada dal iyo dhqan-gelinta heshiisyada horay u jiray, in la hormariyo dekadaha Soomaaliya si ay uga faa’ideystaan Itoobiya iyo dalalka kale, in la dhiso jidad Soomaaliya ku xira Itoobiya, Ganacsiga la fududeeyo, maalgeshi labada dhinac ah, isu socodka, in Itoobiya taageerto nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya iyo in mushkilada Afrika ay xaliyaan Afrikaanka dhexdooda.

Labada hoggaamiye, waxaa ay isku afgarteen in la hormariyo kaabayaasha dhaqaale sida horumarinta dekadaha iyo waddooyinka muhiimka ah ee isku xira labada dal, sidoo kale labada hoggaamiye waxaa isku waafaqeen in la maalgeshto adeegyada Lojistikada iyo la sameeyo adeegyo u gaar ah dekado u shaqeyn kara badweynta Hindiya iyo badda cas

Inkastoo dowladda Soomaaliya horay uga hor timid heshiisykii Shirkadda DP World ku maamuleyso Dekeda Berbera oo Itoobiya qeyb ka aheyd, hadana si maldahan ayay u muuqata in dowladda u ogolaatay, marka loo eego ujeedada safarka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Qodobka 12-aad ee heshiiska ayaa sidoo kale xusayay in labada dal ay si buuxdo ugu heshiiyeen in midba midka kale uu xushmeeyo madaxbanaanida, qaranimada iyo xornimada siyaasadeed ee dalalkan. Iyada oo sidoo kale ay ka wada shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa midnimada Soomaaliya.

Heshiiska oo u muuqday in muddo laga soo shaqaynayay, kulankana uu ahaa mid munaasabad un looga gol lahaa, ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyay oo labada dal dhexmaro.

Kulankan iyo heshiiska labada dal ayaa waxaa uu ahaa mid laga soo shaqeeyay, kaddib  safarkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku tagay Addis Ababa bishii hore ee May iyo safar ka horeeyay oo Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, La Taliyaha Madaxweynaha ee dhanka siyaasadda Balal Cusmaan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin