Maxaa sababay in Snapchat ay Aljazeera ka xayirto Sacuudiga?

Barta ay bulshadu ku xiriirto ee Snapchat ayaa warbaahinta Aljazeera ka xayirtay in waxyaabaha ay soo dhigto Sacuudiga laga daawado.

Snapchat ayaa sheegtay in dawladda Sacuudigu ay ka dalbatay in ay adeegeeda dalka ka xannibto warbaahinta ay dawladda Qadar maalgaliso, sababtuna ay tahay in ay jabisay shuruucda dalka u yaalla.

Qadar ayuu muran kala dhexeeyaa Sacuudiga, Baxrayn, Masar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

Afartaas dal ayaa calaaqaadkii u jaray Qadar horraantii sannadkan, iyaga oo ku eedeeyay in dalkaasi uu argagixisada taageero.

Sacuudi Carabiya ayaa ka mid ah dalalka ay ugu xirxirantahay saxaafadda, sida ay sheegeen qolyaha xuquuqda aadanaha u dooda iyo kuwa u ololeeyaha xoriyadda saxaaafadda.

Laakiin Sacuudi Carabiya si gaar ah u sii neceb warbaahinta Aljazeera.

Dalab 13 qodob ka kooban oo Sacuudigu uu u gudbiya Qadar waxaa ka mid ahaa in gabi ahaanba ay xirto Al Jazeera.

Dalab yadaas ayaa markii dambe laga laabtay.

Sacuudi Carabiya ayaa ah suuqa ugu wayn ee baraha bulshada ee Bariga Dhexe, waxaana sare u qaaday dad aad u badan oo leh taleefannada caaqilka ah.