Jawaari oo dhisey guddi ka soo talo bixiya go’aankii Xukuumadda ee Cabdikariim Qalbidhagax

Shir guddoonka Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaaliga ah ayaa soo saarey guddi ka kooban 15 xubnood ee loo xilsaarey in ay ka soo baarnaadegaan warixbin dhamaystirana ka soo saaraan go’aankii Xukuumaddu ka gaartet QWalbidhagax, oo ahaa sarkaal ka tiursanaa ONLF ee ka dagaalama dhulka Soomaalidu degto ee Itoobiya.

Guddiga ayaa amar ku qaba in laba maalmood gudahood ay yeeshaan kulankooda u horeeya, kaas oo ay ku dooranayaan maamulkooda isla markaana ku degsanayaan jadwalkooda shaqo ee warbixinta laga sugaayo.

Dhanka kale waxaa isla qoraalka ka soo baxay Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari lagu farey in Xukuumaddu u fududeyso guddigan hawsha loo xil saarey.

Sidoo kale guddiga ayaa laga sugayaa 10 bisha danbe ee Oktoobar in ay talo bixintooda ku sooc eliyaan xafiiska Afhayeenka Baarlamaanka.

Baarlamaanka ayaa maanta isugu yimid fadhigoodi caadiga ahaa, waxaana lagu ansixiyey guddiga Jawaari soo dhisay oo ka kooban Xildhibaano, laga soo xuley guddi hoosaadyada Golaha Shacabka.

Cabdikariin Sh. Muuse Qalbidhagax ayaa dhamaadkii bishii Agoosto laga soo qabtey Gaalkacyo, waxaa lagu soo xirey Cadaado, kadibna diyaarad ayaa looga soo qaadey la keenay Muqdisho, waxaana la sheegayaa in ugu danbeyn laga dhoofiyey magaalada Baydhabo. Waxay dhalisey muran aad u xooggan, Xildhibaanao badan ayaa si weyn uga gadoodey, kuwaas oo la aminsan yahay in ay arrimo kala ujeedo ah ka lahaayeen arrinta Qalbi Dhagax, waxaana fadhigii todobaadkii hore lagu heshiiyey in guddi loo saaro, kadib markii ay doodaas ka qayb, qaateen 61 Xildhibaan.

Hoos ka akhri magacyada guddiga iyo waajibaadkooda.