Maxkamad ku taalla dalka Kenya oo ogolaatay in iskuulada xijaabka lagu xiran karo

Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa go’aamisay in iskuulada ay u ogolaadaan gabdhaha Muslimiinta ah inay xirtaan xijaabka oo uu noqdo qeyb kamid ah labiska iskuulada.

Iskuul sare oo ay maamusho kaniisad ku taalla deegaanka Isiolo ee dalka Kenya ayaa ka mamnuucay gabdhaha Muslimiinta ah in ay ku labistaan xijaabka iyo saraawiisha dhaadheer.

Kaniisadda ayaa sheegtay in ay kala qoqobnaan keeni karo go’aanka gabdhaha Muslimiinta ah u ogolaanaya in ay u labistaan si ka duwan ardada kale.

Balse xaakimka maxkamadda racfaanka ayaa sheegay in xarumaha waxbarashada ay masuuliyad ka saarantahay inay dhiirigaliyaan xurmeynta qiyamka bulshada iyo in aan dadka la kala soocin.

Iskuulada dowladda Kenya ayaa awal horaba u ogolaa gabdhaha inay xirtaan xijaabka.