
Siyaasiga Salaad Cali Jeele oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa madaxda hogaanka madasha qaran ku dhaliilay in ay wadaan qorsho cusub oo lagu duminayo Gobalka Banaadir, isagoo sidoo kale ku eedeeyay in madaxdaasi ay xadgud ku sameeynayaan Dastuurka dalka
Mr. Salaad Cali Jeele ayaa tilmaamay in hogaamiyaasha madasha qaran ay wadaan wax kala qaybsi iyo kala iibsiga ku raasta Gobalka Banaadir
Dhinaca kale, Siyaasiga Salaad ayaa waxa uu ku eedeeyay madaxda madasha qaran in rabitaankooda ay ku dabaqayaan masiirka shacabka ku nool Magaalada Muqdisho, islamarkaana ay ka shaqeeynayaan in ay shacabkaasi duudsiiyaan xaqooda
Hadalka siyaasigan ayaa imaanaya xili shirka madasha qaran uu weli ka socda Magaalada Muqdisho, iyadoo xusid mudan in uu ka dhex taagan yahay shirkaasi muran siyaasadeed oo ka dhex jiro madaxda dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada dalka