Maxkamadda Sare ee Kenya oo Meesha ka saartay Natiijadii doorashada Madaxweynaha Kenya -VIDEO

Maxkamadda ugu saraysa dalka Kenaya ayaa go’aamisay in lagu celiyo doorashadii dhawaan lagu soo gabogabeeyay Kenya ee guddiga doorashadu ay ku sheegeen in uu ku guulaystay madaxweynaha hadda talada haya ee Uhuru Kenyatta.

Maxkamadda ugu saraysa dalka ayaa sheegtay in guddiga doorashada ee Kenya uusan si hufan u qabanin hannaankii doorashada.

Sidaas dareedeedna guddiga doorashadu waxay waxba kama jiraan ku tilmaantay natiijadii ay dhawaan ku dhawaaqeen guddiga doorashada.

Afar ka mid ah lixdii garsoore ee dacwada qaadaysay ayaa go’aamiyay in aysan si hufan u dhicin doorashadii madaxweynenimadu sidaas daraadeedna waxay amartay in dib loogu noqdo.

Labo ka mid ah garsooreyaasha ayaa qaatay go’aan midkaas ka duwan, halka midkii todobaadna uu ka xannuunsanaa maalmihii u dambeeyay.

Maxkamaddu waxaa kale oo ay amartay in lixdan maalmood gudahood lagu qabto doorashada.

Taariikhda Kenya waa markii koobaad ee doorasho madaxweyne ay maxkamadi dib u celiso.