Golaha Amaanka QM oo isbadal lama filaan ah ku sameeyay Waqtigii Ciidamada Amisom ee Soomaaliya

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si buuxda isugu raacay in la kordhiyo muddada hawlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya ilaa 31 May 2018, waxayna ansixiyeen in la dhimo askarta midowga Afrika oo laga dhigo ugu badnaan 21,626 wixii loo gaaro 31 Disembar 2017.

Waxaa kale oo QM ay sheegtay in muhiimad la siin doono sidii aakhirka ay ciidamo Soomaaliyeed ula wareegi lahaayeen mas’uuliyadda dhanka amniga, sidii loo yarayn lahaa khatarta ka imaanaysa Al Shabaab iyo kooxaha kale ee hubaysan, iyo sidii looga caawin lahaa ciidanka Soomaalida si ay amni ugu soo dabaalaan hanaanka siyaasadda ee Soomaaliya iyo dadaalka dhismaha nabadda.

Hawsha AMISOM loo igmaday ayaa qoraal ay QM soo saartay waxaa lagu sheegay inay tahay hawlgallo ah guluf lagu qaado bartilmaameedyada Al Shabaab iyo kooxaha kale ee mucaaradka ee hubaysan, ayagoo la shaqaynaya ciidanka Soomaalida, ayna ciidamada Soomaalida caawiyaan, ayagoo dhanka kalena la shaqaynaya Xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM, si waafaqsan qaabdhismeedka amaanka qaranka