Maxkamda Sare kenya Oo Go’aan Hada Ka Soo Saartay Doorashadii Markii Labaad Lagu Caliyay Dalkaasi.

Maxkamda Sare kenya Oo Go’aan Hada Ka Soo Saartay Doorashadii Markii Labaad Lagu Caliyay Dalkaasi.

Maxkamada sare ee dalka Kenya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay dacwadii ka dhan aheyd natiijadii doorashadii ku celiska aheyd ee uu mar kale ku guuleystay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Lixda garsoore ee dhageysanaysay dacwaddan ayaa isku raacay laalida guusha Kenyatta iyagoo meesha ka saaray eedaymaha la soo jeediyay.

Go’aankan ayaa waxaa uu waddada u xaarayaa in Kenyatta mar kale xilka loo dhaariyo Todobaadka soo socda.

Maxkamadda oo la unkay Sanaddii 2010 ayaa taariikh sameysay bishii September markii ay waxba kama jiraan ka soo qaaday guushii doorashadii Agosto dalkaasi ka dhacday.

Laaakiin Kenyatta ayeey mar kale neef farxadi ka soo booday kaddib markii ay maxkamadu ogolaatay guushiisa.