Mugabe oo loo qabtay muddo saacado ah oo uu isku casilo

Mugabe oo loo qabtay muddo saacado ah oo uu isku casilo

Robert MugabeLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionRobert Mugabe

Madaxweynaha Zimbabwe ee cadaadiska badan saaranyahay Robert Mugabe ayaa loo qabtay galinka dambe ee maanta in uu xilka kaga dego, haddii kale baarlamaanka uu u qaadi doono codka kalsoonida.

Xisbiga talada haya ee ZANU-PF ayaa xilkii guddoomiyenimada ka qaaday Mugabe maalin ka hor.

Waqtiga kama dambeysta ah ee loo qabtay ayaa ah 12:00 duhurnimo xiliga Zimbabwe, wixii markaas ka dambeeyana xilka laga xayuubin doono.

Madaxweyne ku xigeenkii uu Mugabe xilka ka eryay Mr Emmerson Mnangagwa ayaa loo doortay guddoomiyaha kumeelgaarka ah ee xisbiga, iyo musharaxa madaxweynenimada Zimbabwe ee sanadka 2018-ka.

Farogalinta ciidanka ayaa timid kadib markii uu muran ka dhashay qofkii badali lahaa Mugane, iyada oo xaaskiisa Grace Mugabe loo waday in ay xilkaasi buuxiso.

Duqa xisbiga Zanu-PF Lovemore Matuke ayaa laga soo xigtay isaga oo leh in ay diyaar u yihiin in ay Mugabe codka kalsoonida u qaadaan haddii uu iscasili waayo.

Wuxuu intaas ku daray in baarlamaanka uu fariisan doono maalinta talaadada, loona baahanyahay aqlabiyad labo meelood saddex meel labada aqalba si madaxweynaha xilka looga qaado.

Xisbiga mucaaradka ah ee MDC-T ayaa marar badan isku dayay in uu codka kalsoonida xilka kaga qaado Mugabe, balse hadda waxa ay u muuqataa in aqlabiyadda xisbiga Zanu-PF ee labada aqal ay ridi doonaan.

Fergal Keane oo ah tifaftiraha BBC-da qeybka Afrika ayaa sheegay in ay u egtahay in Mugabe uu markii hore ogolaaday in uu xilka ka dego, balse markii dambe maskaxdiisa badalay.

Taliyeyaasha ciidanka ayaanan doonaynin in ay qoriga caaradiisa xilka kaga qaadaan, taasi badalkeedana ay xisbiga Zanu-PF ay u ogolaadaan in uu maro wadada sharciga ah ee madaxweyne xilka looga qaadi karo.

In codka kalsoonida lagala noqdo madaxweynaha waxa ay qaadan karta muddo todobaadyo ah.

Robert Mugabe ayaa wacad ku maray in uu awoodda sii hayn doono dhowr todobaad ,iyada oo uu sii kordhayo cadaadiska lagu hayo ee ku aadan in xilka uu ka dago.

Khudbad uu si toos ah uga jeediyay TV-ga qaranka ayuu Mr Mugabe ku sheegay in uu shir gudoomin doono kulanka golaha xisbiga ay yeelanayaan bisha December ee soo socota.

Madaxwayne Robert Mugabe markii uu khudbadda jeedinayay waxa barbar fadhiyay saraakiisha sarsare ee militariga dalkaasi iyo madax kale.

Khudbadda madaxwayne Mugabe oo ahayd mid si wayn loo sugayay ayaa waxa la filayay in uu iscasilo balse taasi ma dhicin.

Xubnaha xisbiga Zanu-PF ayaa mar sii horreysay ka cayriyay Mugabe xilka hogaamiyaha xisbiga.

Awoodda Mugabi ayaa wiiqantay tan iyo intii ay militariga soo faragaliyeen muranka ku saabsan cidii badali lahayd Mugabe.

Si kastaba ha ahaatee ,in uusan iscasilin ayaa laga yaabaa in ay ka yaabisay dad badan oo reer Zimbabwe ah.