Maxweyne Xaaf oo magacaabay guddi doorasho oo cusub

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xalay magacaabay guddi doorasho cusub, maalin kadib markii uu kasoo horjeestay dowladda federaalka.

Qoraal uu soo saaray Xaaf, ayuu ku magacaabay guddigan oo ka kooban 11-xubnood, waxaana uu ku armay inay soo xaroodaan ugu dambeyn 10-ka bishan Janaayo.

Xaaf ayaa sidoo kale guddiga faray in guddoomiye iyo ku xigeen doortaan ugu dambeyn 12-ka bisha Janaayo.

Magacaabistan ayaa timid maalin un kadib markii Xaaf uu sheegay in isagoo tix galinaya dastuurka dalka iyo kan u gaarka ah dowlad goboleedka Galmudug, uu dib ula laabtay awoodii uu horay ugu wareejiyey wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya.