Weerrarka Harada Chad: ‘Tobannaan kalluumaysato ah’ oo lagu dilay meel u dhaw xadka Cameroon

Maleeshiyaad looga shakisan yahay inay Boko Xaraam yihiin ayaa waxa ay ugu yaraan 50 qof ku dileen jasiirad ku taal Harada Chad, ee xadka Cameroon iyo Chad, waxaa sidaasi BBCda u sheegay sarkaal maxalli ah.

Maleeshiyaadka, oo isu soo ekaysiiyay ganacsato, ayaa waxa ay weerrareen kaalluumaysatada, maayir Cali Ramat ayaa sidaasi sheegay isagoo soo xiganaya qof weerrarka ka badbaaday.

Weerrarka ayaa waxa uu dhacay 22-kii bishii Diseembar hasayeeshee warka laga helayo meeshaas baadiyaha fog ah ayaa hadda un soo baxay.

Boko Xaraam ayaa waxaa lagu dhisay gudaha waddanka Nigeria sanadkii 2009, wixii markaa ka dambeeyayna waa ay fidday oo howlgalladeeda waxa ay gaarsiisay dalalka dariska ah sida Chad, Cameroon iyo Niger.

Mr Ramat, maayirka Darak ee gobolka Waqooyiga Fog ee Cameroon ayaa BBCda u sheegay in dadka la dilay ay ku jiraan 20 qof uu u dhalatay waddanka Cameroon. Waxa uu intaasi ku daray in tiro aan la cayimin weli la la’yahay.

Dadka dhintay ayaa loo malaynayaa inay dalal kala gadisan ka soo jeedaan, oo qaarkood ay ka kalluumaysanayeen harada.

Dabayaaqadii bishii Diseembar, xubnaha bulshada maxalliga ah ayaa waxa ay bilaabeen inay dad ka baadigoobaan aagga uu weerrarka ka dhacay kaddibna waxa ay heleen maydad biyaha dul sabaynaya, weriyaha BBCda uga soo warrama Cameroon Killian Chimton ayaa sidaasi ku soo warramaya. 

Maayir Ramat ayaa sheegay in aaggaas uu noqday meel ay aad uga dhacaan weerrarada Boko Xaraam tan iyo markii ay ciidammada Chad joojiyeen inay gaaf wareegaan goobahaas.

Waxa uu BBCda u sheegay in Ciidammada dalalka badan ka soo kala jeeda ee wadajirka u howlgala ee ka kala yimid milateriga shanta dal ee ku teedsan Harada Chad, ay yihiin kuwo aan si wanaagsan u qalabaysnayn oo aaggaas aanan ilaalin karin.