Midowga Yurub oo u sheegay WhatsApp in ay joojiyaan xogta dadka ay la wadaagaan Facebook inta laga xaqiijinayo sharci ahaan..

Khubarada gaarka ee Yurub ayaa warqado u diray WhatsApp iyagoo u sheegay in ay joojiyaan xogta dadka oo ay la wadaagaan shirkada Facebook.

WhatsApp ayaa sheegeen todobaadyadii la soo dhaafay in ay bilaabi rabaan inay warbixinta ku saabsan dadka u gudbiyaan Facebook, si ay shirkada ugu isticmaalaan xayeysiisyadda ganacsiga oo si sahlan u gaaraan macaamiisheeda”..

Laakiin shirkadda ma siin hab aad u fudud oo ay dadka u doortaan inay kaga baxaan islamarkaana heshiiskan ayaa soo jiitay dareenka macaamiisha iyo nidaamiyayaasha.

Haddaba ilaalada gaarka ah ee Midowga Yurub ayaa sheegay WhatsApp iyo Facebook in ay joojiyaan heshiiska ilaa laga baarayo in ay tahay arintan wax sharciga ogolyahay ama ka baxsan.

haddii heshiiska loo arko mid sharci-darro ah ka dibna waxaa lagu qasbi doonaa in ay joojiyaan. Si kastaba ooy tahay WhatsApp waxaa laga iibiyey Facebook labo sano ka hor.

Waqtigii kala iibsigu dhacay, waxaa asaasayaashii WhatsApp ballanqaadeen in aysan dhici doonin xogta dadka gaarka u ah in aan si na loogu gudbin doonin gacan saddexaad, ha ahaato Facebook ama cid kale toonna.

Taas oo jirta, waxaa bilooyin ka hor WhatsApp baahisay in isbeddel lagu sameeyey siyaasadda ilaalinta xogta adeegsadayaasha barnaamijka lagu wada xiriiro.

Arrintaan ayaa dib u kicisay welwelkii awalba laga qabay in Facebook mar uun faraha la soo geli doono xogta dadka ee WhatsApp ku xeraysan. Waxaa isla markiiba bilowday weydiimo badan oo jahowareer dhaliyey.