Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya oo shaaca ka qaaday inay soo gaartay Dacwado la xidhiidha arimaha Doorashooyinka.

Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka dadban ee dalka, ayaa shaaca ka qaaday inay soo gaartay Dacwado la xiriira arimaha Doorashooyinka.

Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dr. Cabdi Risaaq Barre, ayaa sheegay Dacwado gaaraya 1219 kiisas inay soo gaareen.

Waxa uu sheegay Dacwadahaasi oo dhan inay ku qotomaan arimaha la xiriira Doorashooyinka Somaliya ee sanadkaan dhacaya.

“Illaa iyo hadda waxaa nasoo gaaray 1219(Kun labo boqo iyo Sagaal iyo Tobon) cabasho, 10 bisha illaa iyo 26 bisha, sida muuqata aad ayay u farabadan yihiin, dhamaantoodna maaha wax aan annagu xalili karno ama go’aan ka gaari karno, sidaas darteed howshayadu waxay ku eegtahay cabashooyinka la xiriira doorashooyinka, howshayadu maaha inaanu u garqaadno is haysadka qabaa’ilaadka oo laga yaabo inuu salkiisu yahay oo dabeecad kale uu leeyahay is haysad koodu, xilkayagu waxa uu yahay cabashooyinka aan qabaneynana ugu muhiimsan, cabashada ka timaadda musharaxa, waxaa ku xigta midda odaal dhaqameedka 135 xubinta ka midka ah, nabadoonada haddii uu la tashan waayo, cabashooyinka laga qabo guddiyada doorashooyinka maamulaya”.

Waxa uu sheegay cabashooyinka inay ka soo kala gaartay Xubno Musharaxiin ah oo sheegaya in loo hanjabay, Dumar ku doodaya inaan si wanaagsan loo xaqiijin qoondada Haweenka iyo dad kale oo ku doodaya in Ergooyinka aanan si wanaagsan loo qaybsan.

“Cabashooyinka nasoo gaaraya waxay u qebsan yihiin; xubno musharixiin ah oo rag iyo dumarba leh oo sheegay iney soo gaareen cabashooyin caga- jugleyn ah lagula kacay, dumar leh waxaa noo muuqata in la baalmaray qoondadii loogu talogalay, waxaa kale oo ka mid ah dad qaba in dad aan la hayn xaqii ay ergada ku noqon lahaayeen ama aan soo buuxin shuruudihii ergonimada ama musharaxnimada loo ogolaaday iney ergo noqdaan ama musharax noqdaan, cabashooyinkaa ayay u badan yihiin kuwa nasoo gaaraya.

waxaan cabashada ka qabneynaa qofku marka uu soo buuxiyo shuruudihii ay ku xireen guddiyada maamulaya doorashooyinka, taas oo ah mark ugu horreysa inuu bixiyo lacago 1000(Kun dollar) ah, lacagtaas maaha mid aan anagu maamuleyno guddoon ahaan, waxay ka mid tahay miisaaniyadda loogu talogalay doorashooyinka, lacagtaa marka uu bixiyo, ogaalnishihiisana soo qaato dacwadda waan qabaneynaa, muddo 5 maalmood ah ayaan u qabaneynaa inaanu jawaab ku soo siineyno , waxaana la hubinayaa dacwaddiisu iney sax tahay iyo in kale, lacagta laga qaadayna mid la celinyo maaha”.