Mnangagwa oo Zimbabwe ku laabtay si uu u badalo Mugabe

Mnangagwa oo Zimbabwe ku laabtay si uu u badalo Mugabe

Emmerson Mnangagwo oo la filayo in loo dhaariyo madaxtinimada ZimbabweLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionEmmerson Mnangagwo oo la filayo in loo dhaariyo madaxtinimada Zimbabwe

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Zimbabwe Emmerson Mnangagwe ayaa dib ugu laabtay caasimadd dalkaaasi ee Harare, isaga oo loo diyaarinayo in loo dhaariyo xilka madaxweynenimada Zimbabwe kadib iscasilaaddii Robert Mugabe.

Mnangagwe ayaa u baxsaday dalka Koonfur Afrika labo todobaad ka hor, kadib markii Mugabe uu xilka ka qaaday, maanta ayuuna dalkiisa ku laabanayaa sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan xisbiga ZANU-PF.

Xisbiga talada haya ee ZANU-PF ayaa Mnangagwa u doortay in uu noqdo madaxweynaha xisbiga, waxaana sidoo kale lagu wadaa in uu noqdo madaxweynaha Zimbabwe kadib markii uu xilka ka dagay Robert Mugabe oo dalkaas maamulayay muddo 37 sano ah.

Afhayeenka xisbiga ayaa sheegay in ninkan oo 71 jir ah uu dhamaysan doono mudada xilka uga dhimanayd Mugabe oo ah illaa bisha sebtembar ee sanadka 2018-ka, xiligaas oo la qaban doono doorashooyinka guud.

Waxaa lagu naaneesaa ‘Yaxaaska’, waxayna ugu baxday fikirka laga qabo ee ah in uu yahay nin arxan daran.

Isaga oo waraysi siiyay wargeyska NewsDay ayuu yiri “Anaga oo wadajirna ayaa waxaan xaqiijineynaa in aan adkeyno dimoqoraadiyadeena, islamarkaasna wax kasta aan si cusub u biloowno dalka oo dhan”.

Sida uu qabo dastuurka, madaxweynaha kumeelgaarka ah waxaa qabanaya madaxweyne ku xigeenka, hase yeeshee kan hadda jooga Phelekesela Mphoko ayaa loo arkaa in uu xulufo la yahay xaaska Mugabe, Grace, waxayna u badantahay in uusan dalka ku sugnayn, iyada oo ay jiraan warar sheegaya in xisbiga ZANU-PF uu xilkaba ka qaaday.

Dadka qaarkood ayaa isweeydiinayay xil ku wareejinta Mnangagwa ay keeni karto isbadal dhab ah.

Waxa uu ahaa taliyaha nabad suggida markii la laayay kumanaan shacab ah oo mucaarad ku ahaa Mugabe waxyar kadib markii xornimada la qaatay sanadkii 1980-kii.

Hoggaamiyaha mucaaradka Morgan Tsvangirai ayaa BBC-da u sheegay in uu rajaynayo in Zimbabwe ay qaaddo dhabbo cusub oo ay ka mid tahay in la helo doorasho xaq iyo xalaal ah.

David Coltart oo ka mid ah mucaaradka ayaa boggiisa Twitter-ka ku qoray oraahdan “Waxaan aan meesha ka saarnay nin arxan daran, balse arxan daradii wali waa jirta”.

Madaxweynaha Midoowga Afrika Alpha Conde ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay waxa dhacay, balse uu ka xunyahay qaabka ay wax u dhaceen “Waa ceeb in uu ka boxo albaabka dambe” ayuu yiri.