Muqdisho oo u diyaar garoobeysa marti gelinta doorashooyinka xubnaha Aqallada u matali doona waqooyiga Soomaaliya.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa la filayaa in ay ka dhacaan Doorashooyinka Xubnaha Aqalka Sare iyo kan Hoose ee Beelaha Soomaaliyeed qaarkood iyo weliba Doorashooyinka xubnaha Aqalladaasi u matali doona waqooyiga Soomaaliya.

Hadaba Doorashooyinkaas oo qaban qaabadooda ay ka socoto Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa xusid mudan in Magaalada Muqdisho ay hareeyeen falal liddi ku ah Nabadgelyadeeda oo ay ka mid yihiin Dilal qorsheysan , Qaraxyo, Dhac joogto ah oo lagula kacayo goobo Ganacsi iyo kuwa kale.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane oo maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho kadib kulan guddoomiyayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ay yeesheen ayaa andacooday in Amniga Caasimadda Muqdisho uu yahay mid la isku halleyn karo islamarkaana waxa uu qiray in ay mararka falal amni darro oo uu ku tilmaamay kuwa aan badneen in ay ka dhacaan.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa shaaca ka qaaday in Magaalada Muqdisho ay isu diyaarineyso marti gelinta Doorashooyinka qaar ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed.

Magaalada Muqdisho oo ay ku yaallaan Xarumaha ugu Muhiisan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Al Shabaab waxaa ay ku soo qaadaan weeraro aan kala go’lahayn oo uu ugu dambeeyay weerar Ismiidaamin ahaa oo xalay ka dhacay nawaaxiga Xarumaha Wasaaradda Arrumaha Gudaha iyo Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.