Muslimiinta iyo Yahuuda Mareykanka oo Isbaheysi Sameystay

/// Greets from DET: I'm writing a NewsNow _ maybe for national but at least for Michigan state lines _ about this group. Wondered if you check out this and one more photo and move if it meets muster. Caption info is below. Thanks, Jeff. Members of the Muslim Jewish Advisory Council are welcomed to the Arab American National Museum in Dearborn, Michigan, on Tuesday, Oct. 3, 2017. The national council, formed to fight hate crimes and forge ties between them, was holding its first meeting outside New York City and Washington, D.C. (AP Photo/Jeff Karoub) DQoNCg0KU2VudCBmcm9tIG15IGlQaG9uZQ==

Muslimiinta iyo Yahuuda Mareykanka oo Isbaheysi Sameystay


Isbaheysi ay sameysteen Muslimiinta iyo Yahuudda Mareykanka si uu ula dagaalamo naceybka ka dhanka ah bulshooyinkaas, una aas-aaso xiriir wanaagsan oo dhex-mara, ayaa sii ballaaranaya

Isbaheysigan oo loogu magac daray Golaha Shuurada ee Muslimiinta iyo Yahuuda ayaa Talaadadii ku kulmay magaalada Dearborn ee duleedka magaalada Detroit, halkaasi oo ay degan yihiin bulshooyinka Carabta iyo Muslimiinta ugu waqtiga dheer Mareykanka.

Hogaamiyayaasha ururkan ayaa sheegay inay magaalada Dearborn u doorteen kulankoodii ugu horreeyey ee ka dhaca meel ka baxsan New York iyo Washington DC.

La-guddoomiyayaasha ururkan Stanley Bergman iyo Farooq Kathwari ayaa sheegay in Detroit iyo magaalooyinka ku dhow ay tusaale u yihiin xiriirka Muslimiinta iyo Yahuuda, ayna macquul tahay inay xafiis gobolka qaabilsan ka furaan.

Ururkan ayaa hadda xafiisyo ku leh magaalooyinka Los Angeles, Philadelphia, Dallas iyo Miami.

Bergman ayaa sheegay in Muslimiinta iyo Yahuuda Mareykanka ay markii hore la’aayeen fikradda ay qol ku wada fariisan karaan ugana hadli karaan arrimaha sida isku midka ah walaaca ugu haya.