Madaxweynihii hore ee dalka Ciraq Jalal Talabi oo geeriyooday

Madaxweynihii hore ee dalka Ciraq Jalal Talabi oo geeriyooday

by mahad Tuesday, Oct 3, 2017 
October 03 (Jowhar)—Madaxweynihii hore ee dalka Ciraq Jalal Talabani ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal dalka Jarmalka kadib markii uu muddo xanuunsanayay.

 

Talabani oo 83 sano jir ahaa ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee aan ahayn Cara bee madax ka noqda dalka Ciraq.

Jalal Talabani ayaa hogaaminayay mid kamid ah kooxihii Kurdiyiinta waxana uu noqday Madaxweynaha dalka Ciraq sanadkii 2003 kadib markii la afgambiyay Saddam Xuseen.

Dadka Kurdiyiinta oo dhowaan afti ay uga go’ayaan dalka Ciraq u dareeray ayaa u yiqiin Jalal Hisamadin Talabani magaca ah Mam Jalal oo micno la ah Adeer Jalal.

Jalal ayaa dhashay 12kii November 1933 waxana uu ku dhashay tuulada Kalkan meel u dhow buurta Mount Kosrat.
Talabani  ayaa ka qali jebiyay jaamacada sharciga ee magaalada Baqdad sanadkii 1959.