Myanmar: Maxaa sababay rabshadaha ugu dambeeya ee Rakhine 

Myanmar: Maxaa sababay rabshadaha ugu dambeeya ee Rakhine

Deegaano ayaa la gubay ka dib dagaalkii JimcihiiLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionDeegaano ayaa la gubay ka dib dagaalkii Jimcihii

Qalalaasa cusub ayaa ka bilowday gobolka Rakhine ee dalka Myanmar kaas oo sababay in kumannaan ka mid ah Muslimiinta Rohingya ay u qaxaan dhanka Bangladesh.

Dagaalka wuxuu bilowday Isniintii ka dib markii dagaalyahanno Rohingya ka mid ah ay weerareen saldhigyo boolis, ayna dileen 12 askeri.

Sidoo kale tobannaan ka mid ah dagaalyahannada Rohingya ayaa lagu dilay duullaankaas iyo dagaallo kale oo ka dib dhacay.

Markii weeraro noocaan ah ay dheceen sanadkii tagay, Militariga Myanmar waxay qaadeen howgal ka dhan ah Rohingya kaas oo la sheegay in uu sababay xadgudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Ayadoo kumannaan ay isku deyayaan in ay xuduudda ka gudbaan, Qaramada Midoobey waxay maamulka Myanmar u sheegtay in ay shacabka difaacaan, aysanna midab takoor sameyn.

Dagaalka qotada dheer ee u dhexeeya Muslimiinta Rohingya iyo Budhist-ha Rakhine ayaa sababay dagaal qowmiyadeed oo dad badan ay ku dhinteen.

Goormuu dagaalkan cusub bilowday?

Jimcihii, Muqaawada Rohingya oo midiyo iyo bambooyiin sitay ayaa weeraray in ka badan 30 saldhigyo boolis oo ku yaalla Woqooyiga Rakhine, sida dowladda ay sheegtay.

Dagaallo kale ayaa la soo weriyay dhammaadkii Isbuuca, kumannaan qof ayaana labada dhinacba ka barakacay. In rayid la dilay ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa.

Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha HRW ayaa dayaxgacmeed ku duubtay muuqaal tusaya ugu yaraan 10 deegaan oo la gubay.

Dowladda waxay sheegtay in kooxda iska caabinta ay gubtay deegaanadaas, halka dableyda Rohingya ay sheegeen in ciidamada dowladda iyo Budhistaha ay gubeen guryaha Muslimiinta Rohingya.

Warbaahinta ayaa loo diiday in ay galaan gobolka Rakhine, taas oo adkeyneysa in la xaqiijiyo waxa dhabta ah ee ka socdo gudaha gobolkaas.

Laakiin ilaalada xuduudda ee Bangladesh ayaa Talaadadii sheegay: “Xalay waxaan maqalnay dagaal culus oo hub kala duwan la adeegsanayay, waxaana aragnay qiiq ka imaanayay deegaano xuduudda ku yaallo oo la gubay”.

Kumannaan qof oo dumar iyo caruur u badan oo u qaxay dhanka BangladeshLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionKumannaan qof oo dumar iyo caruur u badan oo u qaxay dhanka Bangladesh
Budhistaha Rakhine ayaa sidoo kale ka qaxay guryahoodaLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionBudhistaha Rakhine ayaa sidoo kale ka qaxay guryahooda

Sidey tahay xaaladda xuduudda?

Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramad Midoobey ee UNHCR ayaa sheegtay in illaa Axadi, 5,200 oo qof oo Rohingya ah ay u gudbeen dhanka Bangladesh ka dib dagaalkii Jimcihii.

UNHCR waxay sheegtay in “kumannaan qof” ay joogaan xuduudda dhanka Myanmar, tiro intaa ka baddanna ay ku sugan yihiin dhanka Bangladesh.

Waxaa jiro warar sheegayo in dad dhaawac ah ay ka mid yihiin kuwa ku sugan labada dhinac ee xuduudda.

Qaxootiga Rohingya ee Bangladesh ku u qaxay

Maxay ka cabanayaan Rohingya?

Dowladda Myanmar ayaa sheegtay in Muslimiinta Rohingya ay yihiin dad sharcidaro dalkooda ku galay oo ka soo qaxay Bangladesh, waxayna u diiday in ay sharciga aqoonsiga dalka siiso.

Laakiin Muslimiinta Rohingya waxay sheegayaan in boqollaal sano ay degan yihiin gobolka Rakhine.

Badankooda hadda waxay degan yihiin xeryo ku meel gaar ah ka dib markii si xoog ah looga saaray deegaanadii ay ku noolaayeen.

Qaxa waxaa sababay dagaal qowmiyadeed dhexmaray Muslimiinta iyo Budhaha, sanadkii 2012-kii. Waxayna ku nool yihiin gobolka ugu saboolsan dalka Myanmar.

Rohingya looma ogola inay dalka gudihiisa ku safraan, sidoo kale waxaa loo diiday inay shaqeystaan.

Map

Mowduucyada la xiriira