Madaxweyne Farmaajo: Dalkaan ma kala go’ayo, Caalamkana ma rabaan in Soomaali kala go’do” – VIDEO

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in Soomaalida ay tahay dad mid ah oo aan kala go’ karin, isagoo xusay in si walba oo midnimada dalka lagu ilaalin karo uu diyaar u yahay inuu sameeyo.

Hadalkan ayuu Madaxweynaha ka sheegay mar uu dadweyne kula hadlayay maqaaxi ku taal Xeebto Liido, halkaasoo uu shalay u damaashaad tagay.

“Dalkaan ma kala go’ayo, caalamkana ma rabaan in Soomaali kala go’do, dadka rasmiga ah ma rabaan in la kala go’o, waxaa ka shaqeyneynaa in la bilaabo wada hadal dhab ah sidii umadda la isugu soo dhoweyn lahaa”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayay arrinta Midnimada dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wax kasta uu u sameyn karo ilaalinta Midnimada dalka, xitaa hadii uu xilkiisa uu ku weynayo, isagoo ugu baaqay siyaasiyiinta inay tanaasul la yimaadaan.

“Wax alla wixii ay ku qancin karaan xataa hadii ay tahay in xilkeyga ku weynayo waxaa iga muhiimsan midnimada Soomaaliya, waxaa la rabaa marka siyaasiyiinta inay ka tanaasuli karaan jagada ay hayaan”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tusaale u soo qaatay xilligii uu ahaa Ra’iisul Wasaaraha, oo uu mar dambe iska casilay, “Aniga Ra’iisul Wasaare ahaa, waa ka tanaasulay, hadana waa i kanaa, shalay markaa meesha ka baxayay, dad baa waxay lahaayeen maxaa uga baxeysa ee meesha ku dhimo waa dhaqanki la yaqaanay ma ogtahay”.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ahaa fariin ku socday maamulada dalka ka jira, iyadoo la og yahay in maamulka Somaliland uu horay ugu dhawaaqay inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale, ayna yihiin dal madax banaan.