Nin Soomaali ah oo loo dacweeyay ‘weerar argagixiso

Nin Soomaali ah oo loo dacweeyay ‘weerar argagixiso

Cabdulahi Xasan Sharif oo sawirkiisa ay booliska Edmonton ay baahiyeenLahaanshaha sawirkaCOURTESY EDMONTON POLICE SERVICE
Image captionCabdulahi Xasan Sharif oo sawirkiisa ay booliska Edmonton ay baahiyeen

Nin Soomaali ah oo qaxooti ku ahaa Canada ayaa lagu oogay dacwad ah in uu geystay shan fal dembiyeed oo uu ka mid yahay iskuday dil.

Ninka ayaa lala xiriirinayaa weerarkii Sabtidii ka dhacay magaalada Edmonton ee gobolka Alberta.

Cabdullahi Xasan Shariif oo 30 sano jir ah, wuxuu sidoo kale wajahayaa in si halis ah uu gaari u kexeeyay iyo in uu hub haystay.

Shan qof, oo uu ka mid yahay askeri boolis ah oo shaqo ku jiray, ayaa ku dhaawacmay weerarka

 

Maamulka ayaa sheegay in ninkan laga shakisan yahay uu sidoo kale wajahayo dacwado la xiriira argagixisanimo. Cabdullahi ayaa la sheegay in booliska ay ku ogaayeen ‘fikradaha xagjirnimo ee uu aaminsan yahay.’

Booliska ayaa weli wado baaritaanLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionBooliska ayaa weli wado baaritaan

Calan la sheegay in uu yahay midka ururka la baxay dowladda Islaamka ayaa laga helay gudaha gaariga loo adeegsaday weerarka lagu dhaawacay askeriga.

Sabtidii, dareewalka weerarka qaaday ayaa gaari ku dhuftay askeri lagu magacaabao Michael Chernyk. Ka dib ninka wuxuu middi ku duray askeriga wuuna baxsaday.

Askarta ayaa markaa ka dib, guri ka soo saaray gaari, waxayna ogaadeen in qofka guriga kireystay iyo midka weeraray askeriga ay isku mid yihiin.

Gaari kale ayuu ku baxsaday, booliska ayaana ceysaday. Afar qof oo shacab ah ayuu gaariga ku dhuftay xilligii is ceyrsiga.

Booliska ayaa dhammaan arrimahaas ku tilmaamay kuwo si ula kac ah uu u sameeyay

Laba qof oo shacab ah oo dhaawacantay ayaa weli cisbitaal ku jira, mid ka mid ahna xaalad xun ayuu ku jiraa.

Askeriga ayaa ka soo kabsanaya dhaawacyadii gaaray.

Ra’iisul wasaare Justin Trudeau ayaa weerarka ku tilmaamay mid ‘argagixiso’, wuxuuna sheegay “in uu aad uga walaacsan yahay, kana xanaaqay ficilka xadgudubka ah ee aan dareenka lahayn”.

Cabdullahi Xasan Shariif ayaa la filayaa in maanta uu ka soo hor muuqdo maxkamad. Waxaa si rasmi ah loogu oogi doonaa dacwado oo iskuday dil uu ku jiro.