Mudaaharaadyo Ka Dhacay Gobolka Catalonia

Mudaaharaadyo Ka Dhacay Gobolka Catalonia


Bannaanbaxyadi Catalonia

Bannaanbaxyadi Catalonia

Boqollaal ruux ayaa Isniinti shalay isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee magaalada Barcelona si ay uga madaaharaadaan gacanta adag ee ay ciidanka booliska Spain kula dhaqmeen dadki usoo baxay aftidi gooni isu taaga ee Axadi hore ka dhacay gobolka Catalonia.

Dibadbaxayaasha oo intooda badani ahaa arday ayaa ruxayay calanka madaxbannaanida Catalonia, waxaa kale oo ay wateen boorar ay ku dalbanayeen dimoqraadiyad.

Bannaanbaxyada ayaa sidoo kale ka dhacay dhowr magaalo oo ku yaalla gobolka Catalonia oo ay ka mid yihiin Shiiroona iyo Yeyda (Girona iyo Lleida).

Saraakiisha gobolkaCatalonia ayaa sheegay in ciidanka booliska ay dhaawaceen ku dhawaad 900 oo ruux Axadi kadib marki ay isku dayeen in ay ka hor-taagaan in dadkani ay codadkooda ka dhiibtaan aftida gooni isu taaga Catalonia.