Ninkii dunida ka badbaadiyay colaad Niyuukleer oo geeriyooday

Askari hore oo ka tirsanaan jiray ciidamadii midowgii soofiyeed oo in badan lagu ammaanay in uu baajiyay masiibo dhanka hubka niyuukleerka ah xilligii dagaalkii qaboobaa ee adduunka ayaa geeriyooday isaga oo da’diisu tahay 77 sano.

Stanislav Petrov ayaa ka shaqeynayay xarunta digniinta niyuukleerka ee dalka Ruushka sanadkii 1983, xilligaasi oo qalabkii xaruntaasi ku rakibnaa uu si khalad ah u muujiyay gantaallo laga soo riday dhanka Mareykanka oo Ruushka ku soo wajahan.

Waxa uu qaatay go’aan ah in digniintaasi ay tahay mid khalad ah, mana uusan ku wargelin madaxdiisa arrintaasi.

Go’aankaasi oo soo shaac baxay sanaddo kaddib ayaa loo arkaa in uu baajiyay dagaal la isu adeegsan lahaa hubka niyuukleerka.

Petrov ayaa bishii May ee sanadkan ku dhintay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Moscow, balse mar dhow ayay geeridiisu soo shaac baxday.

Wareysi uu siiyay BBC-da saandkii 2013-kii, ayaa Petrov waxa uu ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen 26-kii Sebteembar sanadkii 1983, xilligaasi oo qalabkii ku rakibnaa xarunta digniinta iyo ka hortagga niyuukleerka ee Ruushka uu si khalad ah u muujiyay in dhawr gantaal laga soo riday dhanka Mareykanka.

“Waxaa I soo gaaray xog muujineysa in gantaallo nalagu soo riday. Haddii aan arrintaasi u gudbin lahaa madaxdeyda, ma jiri lahayn qof oran lahaa macluumaadkaasi waa kuwo khalad ,” ayuu yiri Petrov.

“Waxa kaliya ee aan sameyn karo ayaa ahayd in aan taleefoon kula hadlo dadka iga sarreeya ee madaxda ah balse sidaa ma aanan yeelin. Waxaan dareemay sida in aan ku fadhiyo dig aad u kulul,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Inkastoo xilligii uu tababarka ku jiray lagu soo amray in si toos ah uu ula xiriiro milatariga midowgii Soofiyeet haddii uu halis dareemo, basle Petro ayaa taa badalkeeda taleefoon u diray askari maalintaa ka shaqeynayay xarunta taliska milatariga waxa uuna u sheegay in qalabka yaalla xaruntiisa uu cilladeysan yahay.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Haddii uu si khalad ah u fahmay xogta ah in uu weerar ku soo wajahan yahay, gantaalka ugu horreeya ee Niyuukleerka ahi ayaa dalkaasi ku habsan lahaa daqiiqado kaddib.

“23 daqiiqo kaddib waxaan ogaaday in wax weerar ah uusan dhicin. Haddii uu weerar dhab ah jiri lahaa, dabcan durbaba waan ogaan lahaa. Marka anigu waan nafisay,” ayuu yiri Petro.

Baaritaan markii dambe la sameeyay ayaa lagu ogaaday in qalabka digniinta iyo ka hortagga niyuukeerka ee midowga Soofiyeed uu ku khaldamay ileyska cadceedda oo ku dhacaya badda, kuwaasi oo ay u maleeyeen in ay yihiin gantaalada riddada dheer ee isaga kala goosha qaaradaha.

Petrov oo ahaan jiray gaashaanle dhexe balse hadda hawlgab ahaa ayaa dhintay 19-kii bishii May ee sanadkan, balse warka ku saabsan geeridiisa ayaa la ogaaday bishan billowgeedi.

Karl Schumacher oo u dhashay dalka Jarmalka, ahna nin aflaanta sameeya oo markii horeba sheekada Petrov dunida u soo bandhigay ayaa toddobadii bishan wacay Petrov, si uu ugu hambalyeeyo sanad guurada 77aad ee ka soo wareegtay dhalashadiisa, basle wiilkiisa oo ka qabtay taleefoonka ayaa u sheegay in aabihii uu mar hore geeriyooday.

Schumacher ayaa geerida Petrov ku faafiyay intarneedka waxaana markii dambe baahiyay warbaahinta kala geddisan.