Ninkii la sheegay in uu Nebiga u gafey oo Maxkamad la geeyey-VIDEO

Maalmihii u danbeeyey waxaa si weyn loo hadal hayey nin ku sugan magaalada Gaalkacyo qaybta Galmudug in uu u gefey Nebi Muxammed NNKH. Ninkan oo lagu magacaabo Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare ayaa la daawadey isaga oo sawir nin kale saarey kursi, kadibna ku sheegay Xabiibullaahi Muxamed waana ku saliyeen si lamid ah sida loogu saliyo Nebigeena NKKH, kadibna koox dhalinyaro ah ayaa bilaabaya in ay dhunkadaan sawirka. Muuqaal kale ayaa muujinaya dhalinyaro heesaya oo muusig tumanaya isaga oo ku dhexjira oo ay ku sheegayaan Nebi Muxamed in qofku yahay.

Arrintan ayaa ka dhalatey carro aad u ballaran,  In nebiga lagu jees-jeeso ayaa ah denbi aad u weyn oo haddii qofku ula kac u sameeyo diinta looga baxo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Koonfurta Gaalkacyo ee maamulka Galmudug ayaa sheegay in ninkaan ay muddo daba socdeen,  baaritaana ku sameeyeen  wuxuuna beeniyey in uu jaro sawir uu lee yahay Nebi Muxamed N.N.K.H oo isagu hayo. Garsooraha Maxkamadda Koonfurta Gaalkacyo ee maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Macalin Cali ayaa sheegay in ninkaan la weydiiyey su’aalaha la xiriirey in uu nebiga u gefey, markii aan ku weyney denbigaasna la fasaxay sida uu u sheegay BBC.

Majmaca Culimada Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay Muqdisho oo ay kamid yihiin Sheekh Bashiir Axmed Salah iyo Sheekh Yusuf Cali Caynte ayaa bayaan ay soo saareen ninkan ku sheegay in uu diinta ka baxay, waxaana ay ugu baaqeen ninka sawirkiisa kursiga la soo saarey oo la yiraahdo Sheekh Bilow Xuseen in uu hadlo oo mowqifkiisa caddeeyo.

Ninka Gaalkacyo jooga ee Nebiga ku xadgudbey Salmaan Rushdi waa ka xun yahay, waana in la qabto oo geedka la taago
Sheekh Shibile

Sheekh Bashiir Axmed Sahal ayaa sheegay in ninkan ay garanayaan muddo dheerna ay ka soo baxayeen waxyaabo qariib ah oo ay ka mid tahay in uu sheegtey in camalkii iyo waajibaadkii laga dulqaadey oo aanu u baahneyn in uu cibaado la yimaado.

Horseed Media