Obama oo Baaq u Diray Dhallinyarada
Obama ayaa sheegay in soddon sano ka hor markii uu ahaa u ololeeye arrimaha bulshada ee magaalada Chicago uu ogaaday “In dadka caadiga ah marka ay wada shaqeeyaan, ay sameyn karaan wax aan caadi ahayn”.
Madaxweynihii 44-aad ee Mareykanka ayaa sheegay inuu rajeynayo “inuu gacan ka gaysto oo uu diyaariyo jiilkii sii wadi lahaa wixii uu qabtay ee dunida wajihi lahaa”
Obama ayaa sheegay in dhibaatooyin badan ay haystaan bulshada Mareykanka, ayna ka mid yihiin sinaan la’aanta dhaqaalaha, isbeddelka cimilada, iyo eexda ka jirta habka garsoorka Mareykanka, ayna u baahan yihiin in xal loo helo.
Obama ayaa tan iyo markii uu xilka ka degay saddex bil ka hor ka fogaaday inuu dadka kasoo dhex muqudo, wuxuuna ka gaabsaday inuu ka hadlo jahwareerka siyaasadeed ee Washington.