Tallaalkii u horeeyay ee Malaariyada oo laga billaabayo Kenya, Ghana iyo Malawi

Talaalkii ugu horreeyay oo lagula tacaalayo Malaariyada ayaa laga dhaqan gelin doonaa saddex dal oo kala ah Ghana, Kenya iyo Malawi.

Hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) ayaa sheegtay in talaalkan irbadda ah uu leeyhay awood uu ku badbaadiyo nolosha kumannaan qof.

Balse wali ma cadda in ay suurtagal tahay in laga isticmaali karo qaybaha dadka saboolka ah ay kaga noolyihiin caalamka.

Tallaalkan ayay tahay in la qaato afar jeer oo saddexda billood ee u horeeya la qaadanayo min hal jeer halka marka afraadna la qaadanayo 18 billood ka dib

Tallaalkan ayaa lagu guuleystay in si adag loo xakameeyo iyadoo sheeybaarada lagu tijaabiyayna si weyn loo maalgeliyay, balse weli ma cada in si dhab ah loo isticmaali karo xilli ay xadidan tahay helidda daryeel caafimaad.

Arrinttan ayaana sababtay in hay’adda caafimaadka adduunka ay ku tijaabiso saddex dal si loo ogaado in si buuxda loo bilaabi karo barnaamijka tallaalkan.

Sidoo kale hay’adu waxay qiimeynaysaa badqabka iyo waxtarka talaalkan.