Qaaddacaad iyo rabshado hareeyay cod-bixinta doorashada Kenya

Qaaddacaad iyo rabshado hareeyay cod-bixinta doorashada Kenya

Supporters of the ruling Jubilee party led by President Uhuru Kenyatta celebrate after the attempt to postpone the election re-run failed, 26 October 2017Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Taageerayaasha Xisbiga talada haya ee Jubilee ayaa dabaaldagay markay ogaadeen in aan dib loo dhigaynin doorashada maanta oo Khamiis ah

Doorashada madaxtinnimo ee ku celiska ah ee Kenya ayaa waxaa saameyn ku yeeshay isku dhacdo iyo mucaaradka ugu weyn oo qaaddacay.

Wiil dhalinyaro ah ayaa waxaa toogtay booliiska, isagoo goor dambe dhintay, kaddib markii ay isku dhacyo ka dhaceen magaalada uu mucaaradku ku xooggan yahay ee Kisumu, oo ah mid ka mid ah deegaannada afarta ah ee qalalaasuhu uu saameeyay.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in cod-bixinta deegaannadaas dib loo dhigi doono ilaa Sabtida.

Madxaweyne Uhuru Kenyatta ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii August, balse mar kale ayaa doorashada lagu celiyay sababo la xiriira inaysan si sax ah u dhicin.

Madxaweyne Kenyatta ayaa doonaya in mar labaad la doorto. Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa ka laabtay musharraxnimadiisii madaxtinnimada.

Gudoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati ayaa horay u sii sheegay in xorumaha coddayntu ay furmi doonaan 6:00 subaxnimo, ka dib markii ay xukuumadu damaanad qaad siisay.

Tobannaan kun oo booliis ah iyo xubnaha kale ee laamaha ammaanka ayaa loo daad gureeyay goobaha cod bixinta si ay u sugaan ammaanka goobaha laga codaynayo iyo xarrumaha codka laga dhiibanayo.

 

Taageerayaasha Mucaaradka NASA ayaa taayiro ku gubay xaafadda isku raranta ah ee Kibera iyagoo mudaaharaad dhigay 25kii OktoobarLahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Taageerayaasha Mucaaradka NASA ayaa taayiro ku gubay xaafadda isku raranta ah ee Kibera iyagoo mudaaharaad dhigay 25kii Oktoobar

Kenyatta oo dadka ugu baaqaya in ay codeeyaan ayaa sheegay in awawyadood ay u soo dagaalameen una dhinteen xaqa in dadka Afrikaanka ah ay codkooda dhiibtaan. Waa in aynaan ku dhiiranin diiditaanka dhaxalkaas ayuuna sii raaciyay.

Ku dhawaaqitaanka natiijadii doorashadii 8 Agoosto ee uu ku guulaystay Uhuru ayaa horseeday in la dhaliilo Guddiga Doorashooyinka ee Kenya.

Todobaadkii hore xubin sare oo Guddiga Doorashada ee Kenya ka tirsan ayaa u carartay Maraykanka ka dib markii ay la kulantay hanjabaad.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in booliisku ay xabbado cirka u rideen si ay u kala cayriyaan taageerayaasha mucaaradka ee magaalada galbeedka dalka ku taalla ee Kisumu iyo deegaanka Kibera ee Nairobi. Sunta dadka ka ilmeysiisa ayay booliisku sidoo kale adeegsadeen.

Maxaa khaldamay August?

DoorashoLahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxweyne Uhuru Kenyatta, oo sawir la galaya cod-bixiye

Maxkamadda ugu sarreysa Kenya ayaa qaadatay go`aa naan caadi ahayn oo ay ku qaaddacday doorashadii madaxtinnimo ee August waxayna bishii September codsatay in doorasho ku celis ah la qabto iyadoo sabab uga dhigtay in aan si sax ah loo qaban.

Xaakimka sare David Maraga ayaa sheegay in doorashada aanan loo qaban si dastuurka waafaqsam wuxuuna ku dhawaaqay inay tahay mid aan jirin.

Wuxuu xusay in baaritaanka maxkamadda oo ay taageereen afar ka tirsan xaakimiinta lixda ah lagu helay in guddoga doorashooyinka IECB aysan si sax ah u maamulin gudbinta natiijada.

Maxkamadda ayaa sheegtay in natiijada aysan ahayn mid cad oo la xaqiijin karo.

Muxuu mucaaradku u qaaddacay doorashada ku celiska ah?

Raila Odinga ayaa sheegay in IEBC ay ku guul-darreysatay inay sameyso isbeddello si looga hortago in lagu celiyo khaladkii hore, inkasta oo ay IEBC khilaaftay hadalkan.

Isbahaysigiisa mucaaradka – (Nasa) – ayaa sheegay inaysan ka qaybgaleyn doorashada ilaa isbeddello la sameeyo.

OdingaLahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Raila Odinga ayaa taageerayaashiisa u sheegay : “Waan ku guuleysan doonnaa dagaalka”

Odinga ayaa wacad ku maray inuu carqaladeyn doono codbixinta maanta dhacaysa, isagoo ku baaqay dibadbaxyo ballaaran, balse wuxuu ka codsaday taageerayaashiisa inay ka fogaadaan goobaha codbixinta si uusan isku dhac u dhicin.

Horraantii bishan ayaa wuxuu ku eedeeyay dowladda keligii-talisnimo, isagoo sheegay inay ku guuleysna doonaan doorasho xor iyo caddaalad ah.