Ra’isul wasaaraha Ciraaq oo ku baaqay in la laalo aftidii kurdiyiinta

Ra’isul wasaaraha Ciraaq oo ku baaqay in la laalo aftidii kurdiyiinta

Kurdiyiinta waxay si aqlabiyad ah u taageereen aftidaLahaanshaha sawirka AFP/GETTY IMAGES
Image caption Kurdiyiinta waxay si aqlabiyad ah u taageereen aftida

Raisul wasaaraha dalka Ciraaq ayaa ku gacan seyray hadal ka soo yeeray Kurdiyiinta ee ahaa in ay hakiyeen natiijadii ka soo baxday aftidii madaxbanaanida ee dhacday bishii aanu soo dhaafnay.

“Ma aqbalayno wax aan ka ahayn in meesha laga saaro natiijada lana xushmeeyo dastuurka,” ayuu yiri Xaider al-Abadi.

Arrinta ku saabsan in ay Kurdiyiinta hakinayaan natiijada aftida ayaa timid ka dib markii Mr Abadi uu amar ku bixiyay in militariga Ciraaq ay dib ula wareegaan goobaha lagu muransan yahay ee ay haystaan Kurdiyiinta.

Militariga Ciraaq ayaa horey ula wareegay magaalada muhimka ah ee kirkuk oo ay kala wareegeen xoogaga kurdiyiinta.