Qaar ka mid ah dadkii dhaawacmay oo Turkiga loo qaaday

Qaar ka mid ah dadkii dhaawacmay oo Turkiga loo qaaday

Qaraxa ayaa ahaa mid aad u wayn

Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qarixii Muqdisho oo gaaraya illaa 40 qof ayaa loo qaaday dalka Turkiga.

Sidoo kale, diyaarad siday dawo oo uu la socday wasiirka caafimaadka Turkiga ayaa gaartay magaalada Muqdisho.

Dowlado kale ayaa ballan qaaday in ay kaalmo degdeg ah gaarsiin doonaan Soomaaliya, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Waxaa lagu tilmaamay in uu yahay qarixii ugu waynaa ee ka dhacay Soomaaliya. Waana weerarkii ugu dhimashada badnaa tan iyo burburkii.

Ugu yaraan 276 qof ayaa ku dhimatay, 300 oo kalena way ku dhaawacmeen weerarka oo lala eegtay suuq aad u mashquul badan.

Qaraxa ayaa ka dhashay gaari xamuul ah oo waxyaabo qarxa lagu xiray oo ku dhex qarxay meel suuq ah oo aad u mashquul badan oo ku taalla Soobe.

Qaraxa wuxuu dhacay salaaddii casar ka dib. Wadada uu ka dhacay waxay ahayd ciriiri, baabuurta iyo dadka ay ku badan yihiin.

Isgoyska Soobe waxaa ku yaallay ganacsiyo kala duwan; Dukaamo, hoteello, maqaayado iyo waliba dad warato ah oo wadada ku ganacsada.

Qaraxa markuu dhacay, biraha firirka ahaa ayaa u kala faniinay dhanicakasta. Wuxuuna ka dhashay qaraxa gaari wayn.

 

Qaar ka mid ah dadkii dhaawacmay oo Turkiga loo qaadayLahaanshaha sawirkaRADIO MOGADISHU
Image captionQaar ka mid ah dadkii dhaawacmay oo Turkiga loo qaaday

Waxaa billowday jahwareer ka dib markii jugta ay yeertay. Waxaa burburay dhismaha hotelka Safaari iyo dhismayaasha kale ee ku dhow.

Waxaa sidoo kale gubtay gawaarida qaar ee meesha marayay iyo tukaamo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa weerarka ku eedeeyay Al-Shabaab wuxuuna ku tilmaamay “weerar naxariisdaro ah”. Balse kooxda Shabaab ilaa iyo hadda kama aysan hadlin weerarkan.

Rai”sul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in dalal kale ay waydiisteen in ay ka caawiyaan sidii loo qaadi lahaa dadka dhaawacyadoodu xun yihiin.

Ra'iisul wasaare Khayre ayaa tagay garoonka oo qaabilay dawada ka timi TurkigaLahaanshaha sawirkaSONNA
Image captionRa’iisul wasaare Khayre ayaa tagay garoonka oo qaabilay dawada ka timi Turkiga

“Walaalayaal, weerarka arxandarada ah waxaa lala eegtay shacab iska shaqeysanayay,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Soomaaliya ayaa maalintii labaad ku jirto baroordiiq loo sameynayo dhibanayaasha. Ra’iisul wasaaraha ayaana ka baaqday safar uu dibadda ku aadi lahaa, sida wakaaladda SONNA ay baahisay.

Dadka qaar ayaa la sheegay in burburka ay hoosgaleenLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionDadka qaar ayaa la sheegay in burburka ay hoosgaleen

Sarkaal ka tirsan booliska, Ibraahim Maxamed, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay “in tirada dhimashada ay kordhi karto”.

Duqa magaalada Muqdisho, Thabit Cabdi ayaa ku baaqay in shacabka ay midoobaan xilli uu la hadlayay shacab badan oo isugu soo baxay caasimadda.

Dadka ku nool Muqdisho ayaa aad uga careysan qaraxa shacabka badan ay ku dhinteen.

Dibadbaxayaal xiran maro casaan ah ayaa isugu soo baxay MuqdishoLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionDibadbaxayaal xiran maro casaan ah ayaa isugu soo baxay Muqdisho

Dhalleeceynta caalamiga ah ee laga bixiyay weerarka:

  • Madaxa Golaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa sheegay in ay sii wadayaan taageerada Soomaaliya “si loogu guuleysto nabad iyo amni joogto ah”, ayuu yiri.
  • Turkiga wuxuu sheegay in diyaarado kaalmo dawo sida u dirayo Soomaaliya, sidoo kale dadka dhaawacoodu daran yahayna in Turkiga la geynayo.
  • Qoraal ka soo baxay xafiiska howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarka uu ahaa mid “fuleynimo ah”. Wuxuu Mareykanka sheegay in uu xoojin doono taageerada uu siiyay dalalka Afrika ee la dagaallamaya argagixisada.
  • Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK, Boris Johnson ayaa sheegay in uu la murugeysan yahay dhibanayaasha, qoysaska iyo dowladda Soomaaliya. “Kuwa ka dambeeya waxay muujiyeen sida aysan dan uga lahayn nolosha shacabka ee ku dhibaateysan Soomaaliya,” ayuu yiri.
  • Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray “in uu aad uga carooday” weerarka, wuxuuna ku baaqay “in laga midoobo dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xagjirnimada.”
  • Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Twitter-ka ku qoray in dalkiisu taageerayo Soomaaliya.
  • Ra’iisul wasaaraha Canada, Justin Trudeau, ayaa yiri: “Weerarka Soomaaliya waa mid argagax leh, Canada ayaana cambaareyneyso. Waxaan la baroordiiqeynaa bulshada Soomaalida ee Canada, maanta.”