Qaramada Midoobay oo ku eedeysay Silva Kiir iyo taliyaha ciidammada dalkaasi inay agaasimeen dagaaladii ka dhacay Juba.

Warbixin qarsoodi ah oo laga helay Qaramada Midoobay ayaa ku eedeysay madaxweynaha dalka Suudaanta Koonfureed, Salva Kiir iyo taliyaha ciidammada dalkaasi, Paul Malong inay agaasimeen dagaaladii ka dhacay caasimadda Juba bishii July.

Boqolaal qof ayaa lagu dilay dagaaladaasi.

Warbixinta laguma sheegin in dagaaldaasi ay billaabeen ciidammada dawladda ama kuwa falaagada.

Waxayse ku doodeysaa in xooggaga dowladda ay soo iibsadeen laba diyaaradood oo nooca dagaalka ah iyo rasaas.

Warbixinta oo loo dusiyay qaar kamid ah wakaaladaha wararka caalamiga ah ayaa waxay sidoo kale sheegeysaa in weerarkii sida aadka ah ay warbaahinta uga warantay ee lagu qaaday huteel lagu kufsaday shaqaale gargaar oo ajaaniib ah uu ahaa mid aad loo soo agaasimay, mana sheegin warbixinta cidda soo agaasintay.

Qaramada Midoobay ayaa mar sii horreysay ku eedaysay ciidanka Suudaanta Koonfureed iyo maleeshiyaadka taabacsan ku xad gudubka xuquuqda aadanaha, laakiin dowladdu waxay beenisay in ciidamadeedu ay ku lug lahaayeen dadkaa la laayay.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka sokeeye laba sano ka hor, in ka badan laba milyan oo qof ayaa isaga qaxay guryahooda