Dawladda Soomaaliya oo jidadka waaweyn ee Muqdisho gebi ahaanba xidhay & amniga oo si adag loo xoojinayo – VIDEO

Dowlada Somalia ayaa maanta si aan horey loo arag u xirtay wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, iyadoo amniga si weyn loo xoojinayo.

Wadooyinka la xiray ayaa waxaa ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama ee isku xirta xarunta madaxtooyada iyo garoonka dayuuradaha oo aheyd mida ugu mashquulka badan caasimada.

Sidoo kale wadooyinka la xiray waxaa ka mid ah wadnaha, soddonka, wadada hormarta dekeda illaa iskoolo buluusiyo iyo meelo kale oo badan.

Jidadkan ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo aad u hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka, kuwaasoo dib u celinaya gaadiidka dadweynaha, waxaana jidadka loo ogol yahay oo kaliya dadka cagtooda maalaya ama lugeynaya.

Gaadiidka dadweynaha iyo mootooyinka bajaajka ayaa ayaaa isticmaalaya wadooyin qardo jeex ah oo ku yaala xaafadaha shacabku degan yihiin dhexdooda.

Talaabadan ayaa waxaa la sheegay iney gogolxaar u tahay soo dhoweynta wufuud caalami ah oo maalmo ka dib ku soo wajahan caasimada.

Madaxda todobada dal oo ku yaalla bariga iyo bartamaha Afrika ayaa ku soo wajahan Muqdisho kuwaasoo ka qeyb galaya shir madaxeedka urur goboleedka IGAD oo 26 sano ka dib markii ugu horeysay ay marti gelineyso Somalia.