Qaramada Midoobey oo cambaareysay tacaddiyada loo geysto Muslimiinta Rohinja

Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyay qaraar cambaareynaya tacaddiyada xuquuqda aadanaha ee ka dhanka ah Muslimiinta Rohinja ee ku nool dalka Myanmar.

Qaraarka ayaa ugu baaqaya dalka Myanmar inuu joojiyo kacdoonka nacaybka ku dhisan ee ka dhanka ah Rohinja iyo qowmiyadaha kale ee laga tirada badan yahay.

Kumannaan Rohinja ah ayaa la dilay halka in ka badan 700,000 ay u qaxeen dalka deriska la ah Myanmar ee Bangladesh, intii ay socdeen howlagalladii milatari ee sanadkii 2017.

Myanmar (oo hore loo oran jiray Burma) ayaa ku adkeysaneysa inay iska caabbineysay khatar xagjirnimo.

Horraantii bishan, hoggaamiyaha dalkaas Aung San Suu Kyi ayaa diidday eedeymaha la xiriira in xasuuq uu dalkeeda ka dhacay, mar ay ka hadleysay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee (ICJ).

Qaraarka Qaramada Midoobay ayaa la meel mariyay shalay, wuxuuna walaac ka muujinayaa tirada dadka Rohinja ee sanadihii la soo dhaafay u qaxayay Bangladesh.

Waxaa qaraarka lagu soo bandhigay baaritaan uu guddi caalami ah ka sameeyay tacaddiyada xuquuqda aadanaha ee lagula kacay Muslimiinta Rohinja iyo qowmiyadaha kale ee laga tirada badan yahay.

Qaraarka ayaa ugu baaqay Myanmar inay dhowrto dhammaan dadka halkaasi ku nool isla markaana caddaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyay tacaddiyadaas. Waxaa meel mariyay 134 dal oo ka tirsan 193-da dal ee xubnaha ka ah QM, sagaal dal ayaa ka horyimid halka 28 kalena ay ka aamuseen.

  • Maxay Gambia u noqotay waddanka dacwadda xasuuqa muslimiinta ka gudbiyay Myanmar?

Gambia, oo ah dal yar oo Muslimiintu ay u badan yihiin kuna yaalla galbeedka Afrika ayaa kiiska Rohinja u gudbiyay maxkamadda ICJ isagoo wakiil ka ah dalal kale oo Mulsimiin ah.

Mar ay horraantii bishan ka hadleysay maxkamadda, ayaa Aung San Suu Kyi oo haysata abaalmarinta Nobel Peace Prize waxay ku tilmaantay kiiska ka dhanka ah Myanmar “mid qabyo ah oo aan sax ahayn”. Waxay sheegtay in dhibaatooyinka ka jira Rakhine, halkaas oo ay dad badan oo Rohinja ah ku nool yihiin ay dib ugu laabatay qarniyo hore sidii ay ahayd.

Ms Suu Kyi ayaa intaa ku dartay in rabshaduhu ay ahaayeen kuwo ay soo abaabuleen maleeshiyaad Rohinja ah. Waxay qiratay in milatariga Myanmar laga yaabo in mararka qaar ay awood adeegsadeen, balse caddaaladda la marsiin doono haddii ay galeen dembiyo dagaal.

Waa maxay eedeymaha loo haysto Myanmar?

Bilowgii sanadkii 2017, malaayiin qowmiyadda Rohinja ah ayaa ku noolaa Myanmar, badankoodna waxay ku sugnaayeen gobolka Rakhine. Myanmar, oo ah dal ay u badan yihiin dadka haysta diinta Buddhism, ayaa dadka Rohinja u aqoonsan muhaajiriin sharci darro ah waxayna u diidday dhalashada dalkaas.

Dadka reer Rohinja ayaa muddo dheer ka cabanayay dilal loo geysto, sanadkii 2017 milatariga Myanmar – ee Tatmadaw – ayaa gobolka Rakhine ka bilaabay howlgallo milatari.

Sida lagu sheegay dacwadda ay Gambia u gudbisay ICJ, howlgallada milatari “ayaa loola dan lahaa in lagu tirtiro qowmiyadda Rohinja, dhammaantood ama qeyb ka mid ah”, iyadoo dilal wadareed loo geysanayo, kufsi iyo weliba iyadoo guryahooda la gubayo “iyadoo aalaaba dadka guryaha deggan lagu xiro gudaha”.

Guddiga Qaramada Midoobay oo baaritaan ku sameeyay eedeymaha loo haysto Myanmar ayaa ku baaqay in ciidammada Burma lagu sameeyo baaritaan ku saabsan xasuuqa lahula kacay Muslimiinta Rohinja ee ku nool gobolka Rakhine.

Bishii May, toddobo ciidammada Myanmar ka tirsan ayaa xabsiga loo dhigay dil ay u geysteen 10 qof oo Rohinja ka tirsan, balse waa la sii daayay. Myanmar ayaa sheegtay in howlgalladeeda milatari lagu beegsanayay maleeshiyaadka Rohinja, isla markaana aysan milatarigu wax khalad ah sameyn.

Waa sidee xaalka Rohinja haatan?

Boqollaal kun oo qowmiyadda Rohinja ah ayaa ka qaxay Myanmar tan iyo intii ay bilowdeen howlgalladii milatari.

30-kii September, waxaa xeryaha Bangladesh ku jiray 915,000 oo qaxooti Rohinja ah. Qiyaastii 80% ayaa dalkaasi tagay intii u dhaxaysay bilihii August iyo December 2017, bishii March sanadkan, Bangladesh ayaa sheegtay inaysan aqbali doonin qaxooti dheeraad ah.

Bishii August, Bangladesh ayaa sameysay barnaamij ay qaxootiga si mutadawacnimo ah dib ugu laabanayaan dalkooda – balse hal qof oo Rohinja ah ma laaban.

Bangladesh ayaa qorsheyneysa inay dib u dejin u sameyso 100,000 oo qaxooti ah ayna geyso Bhasan Char, oo ah jasiirad yar oo dalkaasi ku taalla, balse 39 hay`adaha gargaarka iyo ururrada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa arrintaasi ka soo horjeestay.