Xogta Halka Lala Damacsanaa Qaraxii Saakay & Al-Shabaab Oo Weji Kale U Yeelay (Video)

Cumar Filish. duqa magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay qaraxii saakay ka dhacay Ex-control Afgooye, isaga oo sheegay in Al-shabaab ay la damacsanaayeen iney gudaha magaalada ka fuliyaan.

Filish ayaa tilmaamay in ciidamada ammaanka ay ka hortageen qaraxan oo ay ku dhinteen ku dhowaad 100 qof oo shacab u badan.

Dhanka kale, Ururka Al-Shabaab ayaa ka gaabsaday iney sheegtaan Qaraxii saakay ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Ex-control Afgooye,kaas oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac culus.

Baraha wararka ay ku faafiyaan Al-Shabaab ayaa lagu soo daabicin weerarkii saakay iyo khaasaraha ka dhashay,maadama dad u badan rayid ay halkaasi ku waxyeeloobeen.