Qaramada Midoobey oo ku baaqday in la joojiyo colaada gobolka Sool

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in  nabad waarta oo laga gaaro colaadda iyo degenaanshaha ay muhiim u  tahay Soomaaliya oo wajaheysa caqabado ka hortaagan helista dowlad federali ah oo si wanaagsan u shaqeysa.

Qaramada Midoobey ayaa ugu baaqday madaxda Somaliland iyo Puntland in ay joojiyaan colaadda gobolka Sool, ciidamada ay kala qaadaan, oo ay wada hadal isugu yimaadaan, iyo in dhammaan dhinacyada ay ogolaadaan galaangalka gargaarka bani’aadannimo.

Labada maamul ayaa loogu baaqay in ay meel mariyaan, isla-markaana ay ka dhabeeyaan ballanqaadkii ay u sameeyeen beesha caalamka, ee ahaa inay dagaalka joojinayaan.

Qoraalka ka soo baxay Qaramada Midoobe ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo taageerada hannaanka federaalka ee dalka, lana dardargeliyo horumarada illaa iyo hadda la sameeyay.

Baaqan ayaa imanaya xilli Puntland iyo Somalilandba ay Gobolka Sool ka wadaan abaabul uu midba u muuqda kuwo sii hurinaya colaada.