Qaxootiga Qawmiyada Muslimiinta RohingyaEe Wadanka Mynanmar oo kusii qulqulaya dalka Bangladesh

Qaramada Midoobey waxa ay sheegeysaa in ku dhawaad 40 kun oo qof oo qaxooti ah oo ka tirsan qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Rohingya ee dalka Myanmar ay isbuucii la soo dhaafay oo kaliya u tallaabeen dhanka dalka deriska ah ee Bangladesh.

Qaxootigan ayaa u badan carruur iyo dumar, waxaana shalay la helay meydadka rag, haween iyo carruur oo ka tirsan qowmiyaddaasi, kuwaa oo ay doon kula degtay webi ku yaala xudduudda labada waddan.

Qaxootiga Muslimiinta Rohingya ee ay u suurtagashay in ay Myanmar ka cararaan oo ay u tallaabaan dhanka Bangaladesh ayaa waxaa ay intooda badan ku nool yihiin xeryo qaxooti oo aad ciriir u ah.

Kuwoooda ugu nasiibka badan ayaa waxay ku hoydaan iskuulada, madaariista, iyo xarumaha kale ee adeegga bulshada, halka kuwo kale ay daadsan yihiin hareeraha waddooyinka iyo geedaha hoostooda oo ay ka dhisteen guryo cooshado ah.

Chris Lewa oo ka tirsan mashruuca Arakan ee dusha kala socda xaaladda qaxootiga Rohingya ayaa sheegaysa in dadka Rogingaha ee wali ku sugan gudaha Mynmar ee rajeynaya in mar uun ay u tallaabaan dhanka Bangaladesh.

Qaxootiga qowmiyaddani laga tirada badan yahay ee Rohinga ayaa waxaa ay sheegayaan in lagu khasbay in ay dalkooda ka qaxaan, ka dib markii sida ay sheegeen ay tuulooyinkii ay deganayeen ay soo weerareen ciidamada milatariga Burma iyo dad shacab ah oo hubeysan oo ka tirsan Buudiistaha.

Dhanka kale, xog laga helay milatariga Mynmaar ayaa lagu sheegay in qiyaastii 400 oo qof ay ku dhinteen rabshado socday muddo lix maalmood ah, ka dib markii kooxo hubeysan oo katirsan qowmiyadda Rohingyaha ay weerar ku qaaday inkabadan labaatan saldhig oo ay booliska dalkaasi leeyihiin.

Waxaana adag in la xqiijiyo xaaladda dhabta ah ee dhulka ay ku nool yihiin dadka qowmiyaddan ee gudaha Myanmar, sababtoo ah weriyeyaasha iyo shaqaalaha hay’adaha gargaarka looma ogola in ay dhulkaasi gaaraan.