Maamulka Gedo oo Al-shabaab ku eedeeyay in ay labo nabadoon ku dileen Ceel-waaq

Maamulka gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay Al-shabaab in ay ku dileen degmada Ceel-waaq labo nabadoon oo la sheegay in markii hore ay ka afduubteen guryahooda.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji ayaa warbaahinta u sheegay in la halay meydadka Cabdiraxmaan Ugaas Cali iyo Aadan Macalin Caliyoow oo Al-shabaab ay ku afduubteen guryahood, kaddibna meydkooda laga helay bartamaha Suuqa Buusaar degmada Ceel-waaq.

Waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda ee gobolka Gedo wadaan baaritaan la xiriira kooxihii falkan ka danbeeyay.

Odayaashan la dilay ayaa la sheegay in ay ka qeybgaleen doorashadii 8 Augusto ka dhacday dalka Kenya, waxaana loo maleynayaa in sidaa loo bartilmaameesaday.