Rabshado ka dhashay aftida Catalonia

Rabshado ka dhashay aftida Catalonia

Rabshadaha ka taagan gobolka CataloniaLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionRabshadaha ka taagan gobolka Catalonia

Qalalaaso ayaa ka bilowday gobolka Catalonia ee dalka Spain kaddib markii ciidammada booliska ee dalkaasi ay bilaabeen howgal ballaaran oo ay ku joojinayaan aftida dadka kunool gobolkaasi ay ku doonayaan inay kaga go’aan Spain inteeda kale.

Kooxaha gurmadka ee gobolka Catalonia ayaa sheegay inay daaweyeen sodon qof oo ku dhaawacmay rabshadaha u dhaxeeya booliska iyo dad doonayay inay codkooda dhiibtaan.

Booliska ayaa na la sheegay in rabshadahani ay u adeegsadeen rasaasta cinjirka.

Hogaamiyaha gobolka Catalonia Mr Carles Puigdemont ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid sumcad xuma ku ah maamulka Madrid, waxaana uu sheegay in aysan marnaba ilaawi doonin ficilada ay sameyeen booliska.

Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha ee Spain ayaa Carles Puigdemont ku eedeeyay waxa uu ugu yeeray falkani micna darrada.

Aftida gobolka CataloniaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionAftida gobolka Catalonia

Hogaamiyaha dowladda gobolka Catalonia ee doonayo inay ka go’aan Spain, Carles Puigdemont ayaa ku baaqay in wadaxaajood lagu xaliyo khilaafka kala dhexeeya xukuumadda Madrid ee ku salaysan aftida madax bannaanida.

Puigdemont ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Faransiiska in natiija kasta oo kasoo baxda aftidani ay weli muhiim tahay inay wadahadal la galaan dowladda dhexe ee Spain.

Dadka kunool gobolkaasi ayaa saaka bilaabay inay safaf dhaadheer u galaan goobaha codeynta aftida madaxbanaanida ee ay mamnuucday dowlada dhexe.

Xukuumadda Madrid ayaa wacad ku martay in ay is hortaagi doonto afitida gobolka Catalonia.