Ra’iisul wasaaraha Britain oo sheegtay in dalkeeda uu billaabi doonno hannaanka rasmiga ah ee uu uga baxayo Midowga Yurub

Ra’iisul wasaaraha Britain, Theresa May, ayaa sheegtay in dalkeeda uu billaabi doonno hannaanka rasmiga ah ee uu uga baxayo Midowga Yurub, ugu dambeyn bisha March 2017.

Waxa ay sidaa u sheegtay BBC ka hor inta aanu billaaban shirka ugu horeeyay ee uu xisbigeeda Conservative-ka yeeshay, tan iyo markii ay ra’iisul wasaaraha noqotay.

Mrs May ayaa shirka ka sheegtay in ay soo bandhigi doonto qorsheyaal ay ku laaleyso sharciyada ay Britain uga mid noqotay Midowga Yurub muddo 43 sano hadda laga joogo.

Waxa ay intaa raacisay in sharciyada cusub ay awoodda iyo mas’uuliyadda dib ugu soo celin doonaan hay’adaha la doortay ee dalkaasi.