Kulan amaanka looga hadlayey oo ka dhacay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud – SAWIRO

Kulankan oo ay soo agaasimeen qaybaha Bulshada ayaa waxaa kala qayb galay mas’uuliyiin ka tiirsan maamulka degmada iyo Ugaas Axmed Bare Cali waxaana looga hadlay xaaladda ammaan ee degmada oo maalimihii u dambaysay ay ka dhacayeen dilal, kuwaasi oo hoos u dhigay amniga degmada iyo ganacsiga.

Xubno ka tirsan ganacsatada degmada, Culimaa’udiin iyo dhallinyarada oo lahaa diyaarinta kulanka looga hadlayay xaaladda nabedgalyo ayaa xusey in ay kordheen dilalka qorsheysan bishii ina dhaaftay, waxaana dilal kaasi lala beegsaday dad kor udhaafaya 10.ruux

Madaxa Arrimaha Bulshada maamulka Degmada Muuse Maxamed Axmed oo kulanka daah furay ayaa ugu baaqay ka qayb galayaasha kulanka in la daarso marxaladda si loo wajaho xalka.

Xubno ka tirsan ka qayb galayaashii kulanka oo isugu jira Ganacsato, Dhallinyaro iyo odayaal ayaa ka hadlay Xaaladda nabedgalyo, waxayna soo dhaweeyeen dadaalada socda ee la xariira Nabadda.

Sheekh Cali Mahad oo ka mid ah ganacsatada degmada, Liibaan Daahir Xaashi iyo Nabadoon Yuusuf Shire ayaa ugu baaqay dadka Deegaanka in laga wada qayb qaato Nabadda, si looga hortago dadka falalka dilka ah geysanaya.

Ugu Dambayn Ugaas Axmed Barre oo soo xiray kulanka ayaa ugu baaqay in ay joojiyaan dadka deegaanka dilalka dhexdooda ku salaysan.

123456789101112