(08/08/2016) Ra’iisul Wasaaraha oo Muqdisho ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho, kadib markii xaalad caafimaad uu u tagay dalka Hindiya, halkaasoo qalliin xaga wadnaha loogu sameeyay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid, Madaxweyne kuxigeenka Galmudug, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Wasiiro ka tirsan Galmudug iyo dad kale ayaa ku soo dhoweeyay madaxweynaha Galmudug garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Madaxweynaha Galmudug ayaa uga mahad celiyey masuuliyiinta uu horkacayey Ra’iisul Wasaaraha ee soo dhaweeyey, isagoo sheegay in xaaladiisa caafimaad ay aad u wanaagsantahay.

C/kariin Guuleed ayaa la filayaa inuu goor dhow ku biiro shirka Madasha Wada-tashiga qaran, kadib markii maalmihii u dambeeyay uu ka maqnaa, waxaa uu ka qeyb galayaa gabada gabada shirka oo lagu saxiixi doono go’aanada ay gaareen Madaxda Madasha wada-tashiga Qaran.

Madaxweynaha Galmudug ayaa marka la soo gaba gabeeyo shirka Madasha waxaa uu u ambabixi doonaa magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Galmudug, si uu halkaasi uga sii wado howlaha kala duwan ee maamulkiisa uu hayo, oo ay qeyb ka tahay u diyaar garowga doorashooyinka la filayo sanadkaan 2016-ka in dalka lagu qabto.