(08/08/2016) Pakistan:Weerar bambaano oo lagu qaaday Isbitaal ku yaal Quetta (Sawiro)

Nin Waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray ayaa isku dhax qarxiyay gudaha isbitaal weyn oo kuyaala magaalada Quetta ee dalka Pakistaan, waxa uuna weerarkaasi ku dilay dad aad u badan.

Inta la xaqiijiyay weerarkan Ismiidaaminta ah waxaa ku dhintay dad gaaraya 40-qof halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 50-qof oo kale, kuwaa oo qaarkood lasoo sheegayo in dhaawacyadooda culus yihiin .

Isbitaalka Qaraxa uu ka dhacay ayaa la sheegay in la geeyay meydka nin Qareen ahaa oo oo la dilay saacado yar kahor inta aan la weerarin Isbitaalka, waxaana Isbitaalka xiligaasi kusugnaa qareeno badan iyo ehelada nika la dilay.

Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxan dadka badan lagu dilay ee ka dhacay Isbitaalka kuyaala magaalada Quetta , waxaam weerarada nuucaan ah looga bartay in dalka Pakistan ka geestaan Kooxda Daalibaan ee ka dagaalanta dalka Pakistan.