Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar (Sawirro)

by A M | Saturday, May 13, 2017 |

May 13 (Jowhar)— Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar, halkaasoo uu uga qeyb galayo shira Doha Forum oo berri ka furmaya Hotelka Sheraton ee magaalada Doha.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Hamad International Air Port, mas’uuuliyiin ka tirsan dowladda Qatar.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray inuu nabad tagay Doha, isagoo xusay in kulamo muhiim ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya la yeelan doono madax kala duwan.

Shirka Doha Forum oo ah mid sanadle ah oo ay ka qeyb galaan siyaasiyiin, aqoonyahano iyo madax kala duwan ayaa sanadkan waxaa looga hadli doonaa dhaqaalaha, maalgashiga, amniga iyo arrimaha qaxootiga.

Waa safarkii u horeeyay ee Ra’iisul Wasaaraha dibadda ku tago, tan iyo markii xilka loo magacaabay bishii February.