Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo saaka dib ugu soo laabtay Muqdisho

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo saaka dib ugu soo laabtay Muqdisho

by A M | Saturday, May 13, 2017   

May 13 (Jowhar)— Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii ay magaalada London kaga qeyb galeen shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo lagu wado inay saxaafada uga warbixiyeen shirarkii ay ka soo qeyb galeen.

Ka hor inta aanu Madaxweynuhu soo degin, ayaa waxaa la xiray wadada ka baxda Madaxtooyada, ee marta Ceel-Gaabta illaa Dekeda Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mid ahaa shir guddoonkii shirka arrimaha Soomaaliya looga hadlayay ee London lagu soo gaba gabeeyay, isagoo ka jeediyay khudbad dhinacyo abdan taabaneysay.

Waxaa uu ku baaqay in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, si Ciidamada Soomaaliya u helaan hub casri iyo tayo leh, oo lagula dagaalamo Al-Shabaab.

Waa shirkii 3aad ee caalami ah ee Madaxweyne Farmaajo uu ka qeyb galo, tan iyo markii uu la wareegay Xafiiska, waxaa uu horay uga qeyb galay shir madaxeedkii jaamacadda Carabta ee ka dhacay Jordan iyo shirkii arrimaha qaxootiga looga hadlayay ee ka dhacay Nairobi