Ra’iisul Wasaare Hore ee Israaiil Shimon Peres oo geeriyooday isagoo da’diisu ahayd 93 sano.

Shimon Peres oo ahaa Siyaasiga rug caddaaga ah ee reer Israa’iil isla markaana hadda ka hor ku guuleystay billadda nabadda ee nobel ayaa geeriyooday.

Peres ayaa da’diisu ahayd 93 sano, waxaana la dhigay cusbitalka labo usbuuc ka hor, xilligaasi oo uu soo ritay xanuunka faaligga.

Shimon Peres ayaa waxa uu ka mid ahaa jiilkii ugu dambeeyay ee siyaasiinta Israa’iil ee u soo joogay aasaaskii Israa’iil sanadkii 1948-kii.

Waxa uu la soo shaqeeyay 12 xukuumadood oo israa’iil soo martay, labo jeer waxa uu noqday ra’iisal wasaare, xilligii ugu dambeeyayna waxa uu noqday madaxweynaha israa’iil.

Sanaddadii ugu horreeyay, waxa Peres loo arkayay dagaal ooge balse 1990-meeyadii waxa uu door muhiim ah ka qaatay heshiis siyaasadeed oo israa’iil ay la gashay Falastiyiniinta.