Xujayda ka soo laabaneysa Sacuudiga oo eedeeyey Shirkadaha dayuuradaha Soomaalida – SAWIRO

Shirkadaha Dayuuradaha Soomaalida ayaa lagu eedeeyey in xujayda aysan toos ugu soo celin dalka, ayna soo mariyaan wadanka Jabuuti oo dhibaatooyin kala duwan ay kala kulmaan.

Xujeydan oo u badan dad da’ ah oo rag iyo dumarba leh ayaa ku tilmaamay shirkadaha dayuuradaha kuwo qeyru masuul ah oo aan u qalmin iney qabtaan howlaha ay hayaan.

“Marka hore been ayey noo sheegeen waxay yiraahdeen Somalia ayaan toos u aadeynaa meel kale ma mareyno, balse markii dayuurada ay hawada nala gashay ayey isbedeleen waxayna yiraahdeen Jabuuti ayaan wax yar joogeynaa” sidaas waxaa yiri Shiikh Maxamed oo ka mid ah xujayda Soomaaliyeed ee ka soo laabtay Sacuudiga.

Marka Jabuuti la yimid ayaa xujeydu waxay sheegeen in lagu amro iney ka degaan dayuurada ay la socdaan, ayna sugaan dayuurad kale oo imaneysa 24 saac ka dib.

Xujayda ayaa sheegay inta dayuurada kale ee dalkooda u soo qaadi laheyd ay ka imaneyso ay dayacaad xoogan kala kulmaan shaqaalaha shirkadaha dayuuradaha, kuwaasoo ay ka mid yihiin inaan la dejinin meel haboon, loogana tago meelo banaan oo dhaxan iyo qorax leh, kuwaasoo dadka waayeelada ah aysan u adkeysan karin.

Sidoo kale waxay sheegeen inaan loo keenin wax cunto iyo biyo oo ay ku noolaadaan, saacadaha badan ee ay sugayaan dayuurada kale, ayna ka dhuuntaan madaxda shirkadaha dayuuradaha, iyadoo aysana jirin cid ay kala hadlaan dhibaatooyinka halkaas ku qabsada.

Masuuliyiinta shirkadaha dayuuradaha ee Daallo iyo Jubba Airweys oo aanu la xiriirnay qaarkood si aan wax uga weydiino eedeymahan loo jeedinayo wey ka gaabsadeen iney ka hadlaan.

Shirkadaha dayuuradaha Soomaalida ayaa marar badan horey loogu eedeeyey iney dayacaad iyo masuuliyad daro kula kula kacaan rakaabka ay masuulka ka yihiin.