Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la wareegay awoodihii qaar ka mid ah Golaha Wasiirada

 |  | 287 views

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la wareegay awoodihii qaar ka mid ah Golaha Wasiirada

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa wajahaya maalmo adag, kaddib markii ay soo baxeen inuu si dad-ban ula wareegay shaqadii qaar ka mid ah xubnaha Golaha wasiiradda.

Is casiladii ay shalay sameysay Wasiiradii Gar-gaarka iyo Maaareynta Musiibooyinka Drs Maryam Qaasim Axmed ayaa banaanka soo dhigtay is barbar yaaca ka dhex jira Xukuumadda Kheyre.

Xubno ka tirsan Golaha wasiiradda ayaa la sheegay iney xalay si yaabo kala duwan ugu kulmeen Muqdisho, iyagoo ka arrinsanaya qaabka ay u sii wadi karaan shaqadda mar hadii lala wareegay doorkoodii, arrintan ayaa dhalisay hadal heyn xooggan iyo dareen ku aadan in wasiiro hor leh ay iska casilaan Xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

Waxaa jira dhowr wasaaradood oo Ra’iisul wasaare Kheyre la aaminsan yahay inuu la wareegay shaqadoodii, isagoo si toos ah xogta uga hela Wasiir kuxigeenadda iyo agaasimayaasha qaar oo isaga toos ugu xiran.

Wasaaradaha la aaminsan yahay inuu Kheyre la wareegay shaqadoodii waxaa ka mid ah wasaaradda Maaliyadda, wasaaradda Arrimaha Gudaha, wasaaradda Gar-gaarka, wasaaradda Dekaddaha, Waxbarashada, sidoo kale khudubooyinka Ra’iisul wasaare Kheyre uu maalin walba jeediyo oo uu dhex marsiiyo xogaha iyo waxqabadka Dowladda ayaa daciifisay shaqadii Wasaaradda Warfaafinta.

Wasiiro badan ayey ku adkaatay inay Ra’iisul Wasaaraha u sheegaan inuu u madax banaaneeyo shaqadooda, laakiin hadalkii shalay ay warbaahinta siisay Drs Maryan Qaasim, xiligii is casiladeeda ayaa dhiiri galin u noqon karta Wasiiro badan oo awoodi doona inay Ra’iisul wasaaraha runta u sheegaan ama ay is casilaan.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa hadda ku jira xaaladd culus, waxaana la filaya inuu cashir ka barto in mid ka mid ah wasiiradiisa ay shaqada kaga tagtay fara gelin uu ku sameeyay howlihii loo igmaday.

Sidoo kale dhaliilaha loo jeedinayo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ah in Wasiiradiisa uu ula dhaqmayo sidii shaqaale Hey’adeed oo kale, isla markaana aanay jirin Wasiir howl maalmeedkiisa shaqo qabsan kara, isagoo aan wargelin Ra’iisul Wasaaraha.

Dadka arrimaha Dowladda Federaalka ah aadka ula socda ayaa dhaliilsan qaabka uu Kheyre u hagaayo xukuumadda, waxaana ay ka digayaan fashil soo deg dega hadii Kheyre uusan wasiiradda u madax banaaneyn shaqooyinkooda.